Garta Habarjeclo Naqday Waa Gar Jaban, Sidaas Darteed , Waa Bogi.
Maanta ma taagna in doorasho laga hadlo. Waxay taagantey in Muuse Kursiga ka tago! Waa inuu tagaa!.
Garata Habarjeclo waxay Somaliland anfaci lahayd, Gacanlibaax iyo jabkii Laascaanood ka hor. Markaas Muuse Afka ayuu kor u taagayey, Habarjeclona Afkey la taageysay.
Jabkii idinka gaadhay Gacan libaax iyo Gooje Cadde ayaa idinka keenaya go'aanada iyo Xukun qarqooshka. Ma aha lillaahi iyo daacad. Xusbiyada mucaaradku Laba sanadood waxay ku qeylinayeen waar doorasho Madaxtooyo ha la galo. Ma maanta ayaad oggolaateen goor Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen.
BEESHA BARIGA BURCO WAXA LA WEYDIINAYAA:-
1.Doorasho isa-saaran sanad ka hor soo ma go'aamin ganacsatadii waaweyneyd ee Somaliland oy ka mid ahaayeen Aden Bardho iyo C/Rashiid Dahab shiil, iyadoo aanay dhicin khasaarooyinka aad maanta Garxajis ku xukumeysaan. Soo Xusbiyadu ma oggolaan. Yaa diidey?
2.Markii Muuse diiday, maxaad wax uga qaban weydeen? Markaas afkaad la taageyseen soo ma aha?
3.Haddii Muuse go'aanka ganacsatada qaadan lahaa, ma dhiman lahaayeen dadkii lagu xasuuqey Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo?
4.Ma abuurmi laheyd Jabhada Gacan libaax?
5.Ma dhiman lahaayeen oo ma dhaawacmi lahaayeen ciidankii Gacanlibaax?
6.Ma dhici lahayd guul daradii taariikhda gashay ee ku dhacday ciidankii qaranka? Sidaas darteed, Dulmi dartiis waxaad diideen inaad Muuse dusha ka saartaan wixii dhacay, taas bedelkeeda waxa idiin fududaatay inaad Garxajis dembiilayaal ka dhigtaan.
MUXUU YAHAY XUKUNKA MUUSE BIIXII:-
1.Muuse waa in xkunka laga tuuro, ama golayaashu ka tuuraan ama kacdoon dadweyne.Muuse waa dembiile maanta ma joogto doorasho ka hadal.
2.Muuse waa in maxkamada la soo taago oo lagu eedeeyo Qaran dumis. Maanta ma jirto wax la yidhaahdo Somaliland.
3.Muuse waa inuu bixiyaa khasaarihii ka dhashay Inqilaabkii doorashooyinka, sida, xasuuqii Shacabkii banaanbaxayey ee Hargeysa, Burco, Ceerigaabo .
4.Muuse waa inuu sidoo kale bixiyaa khasaarihii ka dhashay ciidankii uu ku weeraray buurta Gacanlibaax.
5.Muuse, waa inuu bixiyaa khasaarihii Mood iyo Noolba lahaa uu keenay jabkii ku dhacay qarankan ee Laascaanood.
Muuse waa Hitler, waa in loo dhisaa maxkamadihii Naziyiintii loo dhisay (Nuremberg style) si loogu maxkamadeeyo isaga iyo Naziyiinta la shaqeysaneysa. Doorasho lagalama hadli karo. Xilka waa in lagu wareejiyaa Madaxweyne ku xigeenka si uu dalka doorasho u gaarsiiyo.
BEESHA HABARJECLO:-
Siyaasiyiinta iyo Hogaanka beesha Habarjeclo, waxay la dembi yihiin Muuse Biixi, dembi kasta uu galay way la galeen, maantana go'aamada ay sheegayaan waxa u soo dhiibey Muuse iyo Saleebaan, waxaana ka keenay waa jabka Muuse ku dhacay .
Go'aamadu sidoo kale, waa mu'aamarad Garxajis loo dhigayo oo ah inay ku soo jeediyaan beelaha Askartii Gacan libaax lagu laayey. Waa dekaneyn Garxajis iyo inay dembi Muuse leeyahay Garxajis dusha ka saaraan..
XUSBIGA WADANI:-
Muuse Biixi, Xusbiga Wadani wuxuu ka rabaa Photo show iyo igu sawir.Waxa la yidhi, beribaa rag 5 ah oo meel fadhiya waxaa u soo galay gacan ku dhiigle Boolis raadinayo oo dhiigii faraha ka qoyanyey. Maadharkii 5 tii ninba dhiigii ayuu wada mariyey, Booliskii wuxuu u yimid ragii oo dhamaantood dusha dhiig ku wada leh, dhamaantood waa la xidhey, waxana lagu wada xukumey gacan ku dhiiglayaal.
Muuse, waa gacan ku dhiigle wuxuuna doonayaa inuu idinku xoqdo oo gacmihiisa dhiiga leh idin mar mariyo si aad ula qeybsataan Jarrimadihii uu galay oo Jarrimada reer Sool ay kow ka tahay. Wuxuu kaloo rabaa inaad ku taageertaan weerar cusub oo Dhulbahante uu ku qaado.
Ninkaas ha isla sawirina, talona ha weydiinina, shacabka iyo baarlamaanka kala shaqeeya sidii kursiga looga tuuri lahaa oo maxmad loo hor keeni lahaa.
BEESHA GARXAJIS:-
Muuse, wuxuu hore idiinku sheegay Somaliweyn, Maxamed Kaahina Argagixiso, Saleebaana inaad is haysaan Somaliland inteeda kale, Jeegaantuna inaad jebiseen Ciidankii Qarranka ee talo xumada Muuse ku jabey.
Wixii ku dhacay Sool idinkaa la idinla rebay ee tii Ilaahay iyo nasiibkiina ayaad ku badbaadeen.
Maanta, Muuse wuxuu rabaa inuu idiin xoogeysto oo jabkii ka soo kabto iyo inuu cudud idinka helo oo Reer Sool idinka horgeeyo.
Muuse Biixi iyo kooxdiisu maanta waa dhawacanyihiin ee ka shaqeeya sidii kursiga looga tuuri lahaa oo Maxkamad loo hor keeni lahaa. Ha kala shaqeynina sidii uu idiinku xoogeysan lahaa. Ha ku dhicina debinka Habarjeclo iyo Suldaan Xasan idiin dhigayayaan.Lama joogo wakhti doorasho isa-saaran iyo mid kala-saaran midna lagala hadlo
Ugu dembeyn, reer Somaliland, waxay wada qirayaan inaanu yimaadeen burburka qaranka gaadhay iyo qaran jabka dhacay, haddii go'aankii Sanad ka hor ganacsatadu soo jeedisay ay taageeri lahayd beesha Habarjeclo oo ah beesha keliya ee Muuse Biixi wax ka maqlo.
Markaas, Jeegaantu tamar ayey is bidayeen oo talo may heynin, maanta oy talo hayaana tamar ma hayaan oo dadkii ay u bixiyeen cadowgii gudaha ayey baryayaan .
Siyaasiyiinta iyo Hogaanka Habarjeclo, maanta reer Somaliland talo weydiin meyso oo dembiilayaal ayey idiin yaqaanaan. Waxaad sugtaanba waa wixii reer Somaliland idiinku taliyaan.
Naaleeye
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!