Wasiirka Wasaarada Beeraha Oo Xilkiisii Qaadi Kari La, Oo La Liic Liicaya Shaqadiisiina Dayacantahay.

0
Sunday June 30, 2019 - 14:29:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Wasaarada Beeraha Oo Xilkiisii Qaadi Kari La, Oo La Liic Liicaya Shaqadiisiina Dayacantahay.

    Qalinlkii . Maxamed Cali Ibraahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinlkii . Maxamed Cali Ibraahin

Wisiirada shaqada  loo igmadaa  waxa weeyi in mas,uuliyada   ka saran  qaranka  iyo  umada  wadankaasi ku nool  uu  xilkii loo doortay  u qaado sidii  loogu igmaday  sidaasina   bulshadu kula xisaabtanto .



Hadaba qarankan  Somaliland   gaar ahaan dawlada  muuse biixi  waxa  dhacday in dadkii ugu tayada  xumaa  uu usoo xulo  dawladiisa   waxana markhaati kuugu  ah in wasaaradaha  qaar   lagu aamini waayo   wasiiradii loo magacaabay  dabadeedna  wasiira kale ay mas uul ka sii noqdaan  sida wasaarada   qorshaynta   qaranka oo  la hoosgeeyay  wasaarada   maaliyada .


Hadaba bulshooy  waxa   dayacan hada   wasaaradii beeraha   wasiirkeediina  waa magac uyaal wax  shaqo ah oo bulshada  Somaliland wasaaradaa  beeruhu ay u ahaysaana maba  jirto  haba yaraatee

Waxan ku jirnaa wakhtigii   roobka ee wax  beerasha da wax qorsha ah oo wasaarada beeruhu  u haysaana ma jirto umada  Somaliland  wac yi galin iyo wax tar  midna  meel ay ku danbayasay wasaaradii beeruhuna   haba yaraatee  ma jirto hadaba   mudane  madax wayne  bulshada  Somaliland waxay kuu  dooratay  in  wax ka badasho waayaheega nolo leed .

·      Waxad  balan qaaday in 30 %  aad wax soo saarka  beeraha aad kor u qaadi doonto  sanadka ugu horeeya  sanadkiina  waan soo dhaafnay   wax isbadal ah lagama arag sanad kii  ugu horeeyay  hoos  udhac  moo yee .

·       Sanad  ka labad oo ah  sanadka aan ku jirno  waxad balan qaaday  in aad gaadhsiin doonto  wax sooraarka   dalka 50%  waana sanadkan aan ku jirno wax  dhaq  dhaqaaq ah iyo wax is badal ah  midna lagaama hayo .

·      Wakhti  ka sii danbeeyana warkisaba reeb lagaamana fadhi ilaa  aad raacdo talaabooyinkan hoos ku qoran .

 

Fiiro gaar ah

 

·        Waa in aad wax ka badasha   wasaarada  beeraha iyo  cida  aad   u igmatay ama aad  u magacawday

·       Waa in  aad  samaysaa  la xisaabtan buuxa    oo  sal  iyo baar  ah umada  somalilandna  ku qanac san tahay  

·       Ta sadexaad   oo ah   in aad   wasaarada  hoos gayso  wasaarad   kale marhadii     wasiirkii aad    u magacaw day  xilkiisii gabay   adiguna  aad waxaba    ka qaban kari wayday .

 

Qalinlkii   .  Maxamed         Cali  Ibraahin

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...