Muxuu Yahay Warka Ciidanka Somaliland Beeniyeen?

0
Sunday August 27, 2023 - 17:11:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Warka Ciidanka Somaliland Beeniyeen?

    "Beenin Wararka Baraha Bulshada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Beenin Wararka Baraha Bulshada"



Hargaysa (HWN) Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Somaliland ayaa beeniyay Warar ku dhex faafay bulshada dhexdeeda oo sheegaya in ay Jiraan in qaar kamid ah ciidamada Somaliland sibeelaysan ay isku raaceen, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

 

"BEENIN WARARKA BARAHA BULSHADA"



Ciidanka Qaranku wuxuu u dhisan yahay (Organizational structure) guutooyin isku dhafan, guuto walba askarteedu waxay ka kooban yihiin beelaha Somaliland, meesha loo asteeyo ka hawlgasha.

 

Laga soo bilaabo maalintii dagaalka Laascaanood bilaabmay 6/2/2023, ilaa dagaalkii u danbeeyey ee Jimcihii 25/8/2023, horeyso iyo danbayso, ma jirin ciidan beeleedyo gaar isku xidhan oo goobo gaar ah degan, imika oo ay Oog soo degeenna guuto-guuto ayey u degen yihiin.

 

Sidaas darteed, ma jirto ciidan kala shakiyey ama isbasaasay.

 Madaxa Hogaanka Ciidanka Taliska Guud

 Lt. Saciid Aadam Cabdi -- Hargaysa."

Loading...
Loading...