Siciid Dani Oo Markii Seddexaad Ka Maqan Shirka Golaha Wadatashiga Somaliya.

0
Sunday August 27, 2023 - 09:00:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siciid Dani Oo Markii Seddexaad Ka Maqan Shirka Golaha Wadatashiga Somaliya.

    "Lama oga inta uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani uu ka sii maqnaan doono"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Lama oga inta uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani uu ka sii maqnaan doono"



Magaalada Dhuusamareeb waxa maalintii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qayb galayaan madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo markii sedexaad aan xaadirin shirrarka golaha.

 

Siciid Dani ayaa shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka uga maqan khilaaf kala dhexeeya madaxda Dawladda Federaalka. Dhawr jeer oo hore oo la isku dayay in xal loo helo muranka labada dhinac ayaa guuldarro ku soo dhammaaday, waxayna labada dhinac warbaahinta isu marinayeen hadallo uu midba midka kale ku dhaliilayo in uu masuul ka yahay khilaafka taagan.

 

Shirka ka furmay Dhuusamareeb oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ka qayb galayaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, xasilinta deegaannada laga saaray Alshabaab iyo adeeg gaarsiintooda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Lama oga inta uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani uu ka sii maqnaan doono shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka, in kastoo wakiillada beesha caalamka ay dhawr jeer ugu baaqeen in uu ka qayb galo kulamada, halkaasna uu aragtidiisa ku soo bandhigo.

 

VOA


Loading...
Loading...