Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Dhagax dhigay Dhisme cusub oo Wasaaraddu ku yeelanayso Baligubadle

0
Sunday June 30, 2019 - 10:29:35 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Dhagax dhigay Dhisme cusub oo Wasaaraddu ku yeelanayso Baligubadle

    Hargeysa-(HWN)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(HWN)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur

Hargeysa-(HWN)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo uu weheliyo Yuusuf Siciid oo ah Madaxa shaqaalaha ee Wasaaraddaas iyo Isu-duwaha gobolka HAWD Daauud Cabdi Yuusuf ayaa safar kormeer shaqo ah ku tagay magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka HAWD.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur ayaa waxa uu dhagax dhigay Dhisme cusub oo Wasaaradda Hawlaha guud ku yeelanayso xarunta gobolka HAWD ee Baligubadle, waxaannu sheegay inay dhawaan dhammaystiri doonnaan Dhismahaas cusub.

Waxa kale, oo uu Agaasimuhu si kumeel-gaadh ah u guddoomay Dhisme uu si ku meel-gaadh ah u sii isticmaali doonno Isu-duwaha Wasaaradda hawlaha guud, taasoo uu ku wareejiyay Xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Baligubadle.

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...