Fariin Caafimaad ….. Khatarta Qashinka

0
Sunday June 30, 2019 - 08:35:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariin Caafimaad ….. Khatarta Qashinka

    qashinka kasoo baxa farmasiyada ruga caafimaadka cusbitaalada taxadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qashinka kasoo baxa farmasiyada ruga caafimaadka cusbitaalada taxadir

oo ka feejignow waqtiga qashin qaadista ururinta qaadista basrinta ka xidho qalab ka hor tagi kara khatarta qashinkaas, ha ku tuurin wadooyinka , hadaad aragtid irbado makiinado qashinka farmasiyada oo lagu tuuray goob bulshadu ay degentahay  fadlam garaac telph shirkada  medical waste company si loo basriyo aad uga taxadir qashinkaas kasoo baxa farmasiyada ruga caafimaadka waxyeeladiisa caafimaad



KHATAR  CAAFIMAAD  KA FEEJIGNOW MARKASTA  HA KU TUURIN GOOB AAN  AHAYN QASHIN URURINTA  GOOBTA CAAFIMAAD  SIDA FARMASIGA  CUSBITAALKA ETC

 runtii waxa u baahan feejignaan dheerada sidii loo maarayn lahaa qashinka had iyo goor kasoo baxa goobaha caafimaadka oo ay ka iman karto khatar caafimaad daro halis ah hadii aan loo wajahin hab gaar ah oo waafaqsan sharciga ilaalinta fayadhowrka bulshada  ku nool deegaankaas  sidA


 sida pharmisiyada rugaha caafimaadka oo ay kasoo baxaan qashin halis galin kara noolasha aadamaha oo u badan irbado la isticmaalay qalanka dhaymaha qashinka hadhaaga ee kasoo baxa ilaha shaybaadhka oo u baahan in aad looga taxadiro waqtiga iyo qaabka loogu keydinaayo goobahaas  waqtiga qaadida qashinkaas oo u baahan in loo maareeyo dad gaar ah oo u tabobaran  si looga badbaado khataraha kaga iman kara maarayntiisa si walba ha ahaato waxa sii kordhaaya goobaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay sida pharmasiyada rugaha caafimaadka  cusbitaalada degmooyinka dalka  


waxa  dhacda inta badan in aynu ku baraarugno sidii aynu iskaga fogayno qashinkaas  goobaheena ganacsi sida qashinka caadiga ah aynu u saaro gawaadhida qashinka wakhtiga qashin qaadista oo kale waxa soo raaca qashinkaas rugaha caafimaadka kasoo baxa in lasoo raaciyo  daawooyin dhacay  oo dhamaan inta badan lagu daadiyo  goobaha qashin qubka oo ku dhexyaala goobo ay degan yahiin bulsho aan  garanayn  noocyada badeecadaha lagu soo daadiyo goobaha qashin qubka ama had iyo goor ka raadiyo waxyaabo ay ku daboolan  bahiyaadka noolaleed ee qoysaskaas ag degen goobaha loogu talogalay qashin qubka caasimadaha  hadababa inagoo la socona khatarahaas caafimaad ee ka iman kara  qashinka kasoo baxa rugaha caafimaadka gaarka loo  leeyahay iyo khataraha caafimaad ee kasoo gaadhi kara bulshada goobaha lagu daadiyo qashinka iyo waqti ururinta basrinta qashinkaas waxa haboon in aynu wajahno qaabka ugu fudud ee loo basrin karo qashinkaas oo aan u baahnayn in loo ururiyo sida qashinka caadiga ah loo basriyo uririyo iyo weelka qashin basrinta oo ka gadisan kan  aynu u isticmaalo qashinka caadiga ee kasoo baxa  magaalooyinka dalka jsl


waa in  marka hore  u kuurgal baadhitaan lagu sameeya qashinkaas kasoo baxa rugaha caafimaadka  dalka  noocyadiisa uu ka kooban yahay  iyo noocyada khataraha caafimaad ee kaga iman kara bulshada hadii la hareer maro nidaamka ugu dhaw ee mudan taxadir gaar ah in loo basriyo noocyada qashin ee uu ka kooban yahay


waa in la diwaan galiyaa farmasiyada rugaha caafimaad cusbitaalada ka furan  degmo kasta oo ay ka kooban yahiin gobolada dalka si si fudud loola socon  karo  noocyada qashin caafimaad ee kasoo baxi kara goobahaas  caafimaad


waa in ay ka hawlgalaan hawshan shaqo ee ururinta basrinta qaadinta qashinkan caafimaad ee kasoo baxi  kara goobahan caafimaad  sida farmasiyada  ruga caafimaadka cusbitaalada etc shirkad gaar ah oo ka hawl gali garta basrinta qashinkan ururintan oo ku shaqayn karta nidaam sharci  fayadhowr waafaqsan sharciga fayadhowrka caalamigu sidii  qeexayo


waa in shirkadaahas  ka howl gali kara qashin ururintan caafimaad  ay u tabo baraan shaqaalaha loogu talo galay qashin ururinta  xirfadlayaal  si ay uga badbaadi karaan  khataha caafimaad ee kasoo wajihi kara  waqtiyada shaqada

waa in loo  isticmaala shirkadaha qashin ururinta ka hawl galayaa gadiid xafidan qalab si fudud u gubi  kara  qahinkaas waqtiga qashin qaadista


waxa mudan in  aynu  iswaydiino qashinkan kasoo bixi kara farmasiyada rugaha caafimaadka cusbitaalada ma sida qashinka caadiga ah  ayaa looga fogayn karaa magaalooyinka  dalka waqtiga qashin daadinta jawaabtu waa mayo  qashinkan caafimaad si looga badbaadiyo  bulshada khatartiisa  caafimaad waala aasaya meel ka fog deegaanka bulshada  oo loogu talo galay ama shirkaduhu  waa in ay diyaarsadaan  qalab ay ku gubi burburin  karaan

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]   

 063 4130821

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...