"In Ciidanka SLAND Jabo Waxaa Masuuliyadeeda Leh Muuse Biixi" Boqor Buurmadaw.
"Muusow waxaan ku leeyay xilka ku wareeji Madaxweyne ku xigeenka"
Hargaysa (HWN) Boqor
Buurmadaw oo kamid ah bahda dhaqanka Somaliland ayaa sheegay in masuuliyada
jabka ciidanka Somaliland maanta gaadhay uu masuul kayahay Muuse Biixi.
Buurmadaw ayaa Muuse
Biixi usoo jeediyay in uu xilka kadego oo uu ku wareejiyo Cabdiraxmaan Saylici.
"Masuuliyada waxaa
dhacay iyo in Ciidanku u jabo sidii 1977 waxaa leh Muuse Biixi, Dhulbahate-na
waan ku hambalyaynayaa maamulka ay dhisteen. Muusow waxaan ku leeyay xilka ku
wareeji Madaxweyne ku xigeenka si in dadka isku hadhay doorasho Degdeg ah loogu
qabto" ayuu yidhi Boqor Buurmadow.
Dagaalka maanta ka
dhacay Laascanood ayaa jab xoogan lagu gaadhsiiyay Ciidanka Somaliland, kuwaasi
oo gaadiid iyo maxaabiisba laga qabtay.
Loading...
Loading...