Taliye Faysal Bootaan Oo Ciidanka SSC Gacanta Ku Dhigeen.

0
Friday August 25, 2023 - 17:20:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Faysal Bootaan Oo Ciidanka SSC Gacanta Ku Dhigeen.

    Waa kuma Feysal Bootaan, taliyihii guutada 12-aad ee Somaliland ee ay gacanta ku dhigeen SSC?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa kuma Feysal Bootaan, taliyihii guutada 12-aad ee Somaliland ee ay gacanta ku dhigeen SSC?


 


 

Faysal Cabdi Bootaan, waa sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland, taliyena u ah guutada 12 aad ee ciidamada ciidamada Somaliland kuwaas oo badankood ku su gnaayeen xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood.

 

Dagaal culus oo saaka ka dhacay xerada oo markii dambe sababay inay la wareegaan ciidamada SSC ayaa lagu qabtay sida ay muujinayaan sawirro lagu soo bandhigay baraha bulshada. Sidoo kale SSC ayaa u xaqiijisay BBC inay gacanta ku dhigeen.

 

Feysal wuxuu sanadihii kun sagaal boqol iyo lixdameeyadii ku dhashay gobolka Togdheer ee Somaliland, isaga oo markii nin weyn noqday u wareegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ka noqday ardey wax ka barta.

 

Bilowgii sideetameeyadii ayuu ku biiray barnaamijkii Shaqo Qaran ee xukuumaddii kacaanka ee Soomaaliya, kadib markii uu dhameystay waxbarashidiisii dugsiga sare.

 

Isla sideetamaadkii ayuu ka mid noqday dhallinyaro aan la dhicin nidmaankii dawladda kacaanka, isaga oo noqday jabhad.

 

Markii la aasaasay jabhadii SNM, Feysal wuxuu kamid noqday ciidmadii jabhadda. Waxaa la sheegaa inay wehliyeen xilligaas wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo kamid ahaa saraakiishii isla xilligaas ku biiray SNM.

 

Kadib dhismihii Somaliland Feysal wuxuu shaqo wayn ka qabtay dhinaca ciidanka. Isaga oo wax ka hugaamiyay ciidamada Somaliland.

 

Darajada kabtanimo ayaa waxaa siiyay madaxwenihii hore Somaliland, xilli la dalcsiinayay saraakiil shaqo muhiim la sheegay inay u qabteen SOmaliland.

 

Muxuu ka qabanayay Goojacadde?

Kadib markii uu bilowday dagaalkii dadka deegaanka Laascaanood iyo Somaliland dabayaaqadii sanadkii hore ee 2022 kii, ayaa ciidamo dheeraad ah waxay Somaliland keentay aagga Laascaanood, kuwaas markii dambe saldhig ka dhigtay xerada Goojacadde.

 

Feysal ayaa ah taliyaha guutada 12 aad ee ciidamada Somaliland , taas oo ahayd mida ugu badan ee ka dagaalameysay xerada.

 

Wuxuu ahaa hugaamiyahaa inta badan dagaaladii Somaliland iyo dadka Laascaanood dhexmaray, isaga inta badann ka warbixin jiray halka uu dagaalku marayo iyo guulo ay Somaliland sheegatay marar badan inay dagaalka ka gaareen.

 

Intuu socday dagaalka Laascaanood ayuu mar ku dhaawacmy dagaalka, balse maalin kadib ayuu warbaahinta la hadlay isaga sheegaya in wax sidaas u badan aysan soo gaarin

 

Marar badan ayuu soo booqday isaga maxaabiis haya

Janaraal Feysal ayaa isaga oo ku sugan aagga Goojacadde marar kala duwan ka soo muuqday warbaahinta muuqaalka ah isaga oo gacanta ku haya maxaabiis ay Somaliland ku qabatay dagaalka Laascaanood.

 

Muqaal uu baahiyay Telefishinka Qaranka Somaliland, 18 kii bishii Maarso ee sanadkaan ayaa ka soo muuqday Feysal isaga oo ka hadlay maxaabiis ay ku qabteen dagaal maalinkaas dhacay.

 

"Ciidamada maanta aan haynaa, hadii la oran doono waa maryo-calas, waa ciidmadii daraawiishta ee Puntland" ayuu yiri Taliye Feysal oo goobta ay maxaabiistu ku sugnaayeen ka hadlay.

 

Shan bilood kadib maanta ayuu gacanta u galay ciidamada SSC ee Laascaanood.

 

BBC


Loading...
Loading...