Ma Dhabaa In SSC Qabsatay Saldhiga Goojacade?
Warar dheeraad ah oo
aanu ka heleyno dagaalkii saaka ka qarxay aagagga Maraaga iyo Goojacadde ee
Laascaanood ayaa sheegaya in SSC ay qabsadeen xerada Goojacadde kadib markii uu
dagaal xooggan halkaas ku dhex maray labada dhinac, sida ay BBC-da u
xaqiijiyeen, qaar kamid ah xubnaha hogaanka SSC iyo dad xog ogaal ah oo halkaas
ku sugan.
Saacado yar kahor ayay
ahayd markii SSC ay sheegteen inay qabsadeen Maraaga oo hore gacanta ugu jirtay
Somaliland taas oo ah bar kontarool oo ay ku dagaalamayeen ciidamada Somaliland
iyo dhinaca SSC.
Waxaan isku deynay
inaan la xiriirno qaar kamid ah mas'uuliyiinta Somaliland, si ay wax uga
yiraahdaan arrinta sheegashada SSC ee Goojacadde iyo Maraaga, balse weli inooma
surtagalin in aan wax war ah ka helno dhankooda.
Dagaalka ayaa ahaa mid
maalmihii u dambeeyay isa soo tarayay, midka maanta dib u qarxayna, waxaa uu
bilowday abaaro shantii iyo qadar labaatan daqiiqo ee arroornimo.
Wixii war ah oo ka soo
kordha dagaalkaas, halkan ayaan si toos ah idiin kuugu soo gudbin doonaa.
BBC


0 





