Xerada Goojacade Maxaad Ka Taqaan?
Xerada Goojacade waxay
badhtama magaalada Laascaanood u jirtaa 8 km, iyadoo kaga aaddan jihada waqooyi
bari, inkasta oo haatan dhismayaal teelteel ahi ay gaadheen aaggaas.
Warshadda biyaha
sifaysa ee Nugaal iyo ta kale ee Saafi ayaa ka mid ah dhismayaasha deriska la
noqday Goojacadde kuwaas oo gebi ahaanba iminka hawlgab ah.
Xeradaas waxay ahaan
jirtay halkii magaalada Laascaanood ay biyaha ka heli jirtay, waxaana xilliyo
kala duwan laga qoday ceelal riigag ah xilligii dawladdii kacaanka.
Waxaa xiligaas ka
samaysmay beero badan oo ay samaysteen dadkii wakhtigaas ugu ladnaa bulshada ku
dhaqnayd Laascaanood oo ahayd mid kooban, waxaana sida la sheegay ay ka
kaafisay khudaarta iyo qaybo ka mid ah geed midhoodka sida saytuunka iyo
liinta.
Sanadkii 1993dii ayaa
markale hay'adda arrimaha bani'aadannimada ee caafimaadka ka shaqeysa ee MSF ay
dib u habayn ku samaysay ceelashii, qaar cusubna ka qoday, iyadoo biyogelin ku
samaysay magaalada Laascaanood oo burburkii xukuumadda uu raacay biyagelinteedii.
Arrintaas ma noqon mid
sii shaqaysa oo iyana mar kale ayay ka dabatagtay tii hore.
Imaanshihii ciidanka
Somaliland
Taariikhdu markii ay
ahayd 15 Oktoobar 2007dii ayay ciidamada Somaliland ka saareen magaalada
Laascaanood kuwii Puntland, mana aysan soo gelin magaalada ee waxa ay ka
wareegeen jihada waqooyi iyagoo laba goobood fadhiisin ka dhigtay, kuwaas oo
kala ahaa Goojacade iyo Maraaga oo waddada Garoowe aadda ay marto.
Goobtan aan ka hadlayno
Somaliland uma aysan degin in ay difaac u noqoto iyo qaab qiimayn difaac balse
waxa ay u degeen hadh ahaan maaddaama ay ahayd goobta keliya ee lahayd dhir,
dhulka intiisa kalena beero loo baneeyey.
Goojacadde 15 sano ma
arag wax rabshad ah, colaadna loogama baqin, lamana qorshaysan in ay jirto cid
isku soo qaadi karta oo aan dhinaca Puntland ahayn, iyagana difaacooda waxa uu
u jirey 62km oo dhinaca bariga ee Godqaboobe iyo Tukaraq dhexdooda in kasta oo
hal maalin ay ka soo guureen.
Goojacadde waxa uu
noqday saldhig weyn waxaa ka dhisan dhismayaal aad u badan oo ka kooban
xafiisyo, guryo saraakiisha hoyaad u ah, goobo kaydadka kala duwan lagu
illaaliyo, iyo guryo ay askari dhisatayba waa ku yaalaan waxaana lagu qiyaasi
karaa magaalo yar.
Maanta iyo Goojacadde Ciidanka ku xaraysan
Mid ka mid ah
saraakiisha xeradaas ka hawlgali jiray oo codsaday sababo amniga la xiriira in
aan magaciisa la sheegin ayaa BBC uga warramay ciidanka xeradaas ay qaadi
karto.
"Markii hore waxaa
xeradaas ay hoy u ahayd ilaa seddex guuto, iyo hoggaanka, guutada ciidanka
Somaliland ahna waxay ka kooban tahay 400 ilaa 800 oo askari” ayuu yiri
sarkaalkaas.
"Iminka qiyaastii 15
guuto ayaa ku sugan xeradaas” ayuu sii raaciyey sarkaalkaas.
Agagaarka xeradaas ayaa
ah halka ay iminka dagaallada ugu culus ee LaasCaanood ka dhacaan, marka laga
reebo madaafiicda magaalada ku soo dhacaysa.
Warbixintan waxa
diyaariyey Faysal Jaamac, oo ah Weriye Reer Laascaanood ah, BBC Somali ayaa
baahisay