Xabadii Hadday Qaraxday,Xaafad Xaafad Ay Noqotay,Habashiyi Ina Hayn Mayso,Jabutina U Xilan Mayno. Xabaashada Qodo Weeye.
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Xukumada Dagaalkaiyo,Xurgufaha Abuurta,
Xisbiyadan Mucaaridka,Xadhiga U Sharafahe,
,Xukunkaydin Haysaane,Xisaaba Idiin Dhiman
Afrikanku Xeer Maleh,Xantobsada Waxii Yaal,
Xoolo Badani May Oole,Xuubsada Dhaqalaba,
Xantiin Waad Ogsontiin,Xurmo Idiinma Hayno,
Xaajo Faro Ka Haado,Xoonba Sanqadhayoon,
Cidna Xeerinaynine,Xadhig Kama Baqaysaane,
Xuladkiyo Rasaastanu,Xamilaynin Kii Ladani,
Xabadiyo Xidhiyo Qabo,Xaraaraday Shidayoy,
Xornimada Horseeda,Xigmada Kaad Bidaaniyo,
Xaawalayda Wada Xidha,Xanaaqa Kordhaayo,
Xadhkaha Goosan Doono,Xaqaa Soo Baxaayee,
Xulufaysi Jiri Maayo,Xaafad Xaafad Bay Noqon,
Xisaabays Bedelayo,Xantaa Dibada Iman Doonta,
Xoogaan Shaqaynin,Xabsiyadaan Dad Haynaynin,
Xasalooni Waydayo,Xoolo Looma Dhaqanaayo,
Xaraash Weeye Gurigaga,Xabad Siiso Wuxu Goyo,
Xabashiyi Ina Hayn Mayso,Jabuti Ina Xarayn Mayso,
Xabaashada Qodo Weeye, Xagna Looma Cararaayoo,
Xaalkeeni Waa Kaase,Xamaantiina Duuduubta.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!