Oodweyne waa inay noqotaa caasimada cusub ee gooni isutaaga Beelaha Garxajis.

0
Thursday August 24, 2023 - 10:39:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oodweyne waa inay noqotaa caasimada cusub ee gooni isutaaga Beelaha Garxajis.

    Madax Dhaqameedka Is Xilqaamey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madax Dhaqameedka Is Xilqaamey



Cidna kama qarsoona kibirkii iyo aftaagii Muuse Biixi ka sameynayey Burco. Hadalkiisii u dembeeyey wuxuu albaabada u soo laabey waan waan kasta oo la wadey.


Muuse markuu Burco yimid, wuxuu ka cabsi qabey kacdoon shacab, isagoo qoorta laalaadinaya waxa hadaladii uu ku Cataabayey ka mid ahaa ” Nin walaalkaa ah oo qori kugula soo ordaya, waa inaad la meereysataa"



Laakiin markii Xusbiga wadani shacabka la hadlay oo ka wasteeyey, ayuu Muuse sidiisii Afka cirka u taagey oo faankiisii iyo hanjabaadiisii madhneyd bilaabay.


Muuse, Turkey ka qabweyn, Xuunsho ka talo xun, Tuke ka fuleysan, Dumarna ka tamar darran.


Madax Dhaqameedka Is Xilqaamey:-


Sida la wada ogyahay, waxaa arrimaha taagan isu xilqaamey inay wax ka qabtaan, Ergo balaadhan oo ka kooban inta badan Madax dhaqameedka beelaha Soomaaliland, marka laga reebo Madax dhaqameedka beelaha bariga Burco iyo beelaha Garxajis.


Beesha bariga Burco iyadu gaar ayey isu taagtay,waxayna diidey inay ku biirto Ergada ballaadhan ee Hargeysa fadhigoodu yahay oo ka kooban labeentii dhaqanka Somaaliland.


Ergadaas uu hogaaminayo Suldaanka Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, waxa ka mid ah Salaadiinta Berbera, Balligubadle, Awdal iyo Hargeysa. Ergadaas, bilowgiiba Muuse Biixi iyo Saleebaan kama raalli noqon . Waa maxay sababtu?


Dhawaaqii u horeeyeyba, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo Salaadiinta la mid ah waxay sheegeen inanay Somaliland ka dhaceyn doorasho aan la isla oggoleyn. Waana sababtaas, sababta Muuse Biixi Albaabada uga xidhay Salaadiintaas.


Waxa jira Ergo kale oo iyaguna Burco iska abaabulay, Ergadaas oo ka kooban Salaadiinta beelaha bariga Burco. Shacabka Somaliland waxay arkayeen maanta, Muuse Biixi oo xayeysiinaya Ergada Burco oo gebi ahaanba aan soo qaadin Salaadiinta waaweyn ee Hargeysa ku sugan. Muuse wuxuu soo jeediyey in Ergada Hargeysa ku biirto Ergada Beesha bariga Burco.


Hadaba, waxa jira su'aalo badan oo hor yaalla oy tahay inay ka jawaabaan Ergada Beelaha Bariga Burco, waxaana ka mid ah :-


1.Eragadu, waa maxay sababta ay ugu biiri waayeen Ergada kale ee Hargeysa ku sugan?

2.Ergada Burco, maxay ka qabaan dhawaaqii Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ee ahaa inaanay Somaliland ka dhici karin doorashooyin aan heshiis lagu ahayn?

3.Xalka ma waxaad ka bilaabeysaan Gacan libaax oo sida Muuse Biixi rabo ah,mise halkii taladu ka qalloocatay ee ah inqilaabkii Xusbiyada qarranka?


Salaadiinta Somaliland, waxaa laga sugayaa inay soo saaraan go'aano masiiriya oo ah in Dalka la geliyo doorasho Madaxtooyo oo deg deg ah, Muuse ha diido ama ha yeelee.


Maamulka Gooni Isu Taaga Libaaxyada Somaliland:-


Mar haddii Dimoqraadiyadii iyo doorashooyinkii Somaliland ay inqilaabeen Daaquudyo keli taliyayaal ah oo raba inay xoog Milateri ku haystaan xukunka, mar haddii ay diideen Ergo kasta, waa in Beesha Garxajis ku dhawaaqdaa gooni isutaag iyo Maamul ka madax banaan Jeegaanta Muuse Biixi, Saleebaan iyo Ina Kaahin, Maamulkaas oo caasimadiisu noqoneyso Magaalada Oodweyne.


Xigmad ayaa ahayd: Waraabe ayaa lagu yidhi ”Waar Waraabow foolxumidaa” Waraabihii wuxuu yidhi ” Wallee hadaad ogtihiin mid iga yar oo gurigii joogay oo Weedh Calaan la yidhaado, foolxumo iguma sheegteen"


Taas waxa ka dhigan reer Somalilandow, Muuse Biixi ayaad ka qeylineysaan, waxaa idiin soo socda kii ka yaraa (Ina Kaahin) oo raba inuu Madaxweyne idiin noqdo Mustaqbalka,kii hore waa Xasan Jigin bikh!!


Horgalada Garxajis:-


Maalmahan, waxa Hudheelada Hargeysa iyo saxaafada dhex wareegayey kooxo reer Somaliland u bixiyeen Horgalayaasha Garxajis, kuwaasoo xilka ay Muuse Biixi u hayaan yahay inay u jaajuusaan Xusbiyada Mucaaridka iyo Beesha Garxajis, isla markaasna ay sumcad xumeeyaan halganka looga soo horjeedo Daaquudyada inqilaabay Dimoqraadiyadii iyo xorriyadii shacabka Somaaliland.


Horgaladaas waxa ka mid ah, Siciid Sulub, Gaboose, Daamur, Suldaan Habaar, C/raxman Dheere, Buubaa iyo Waran Cadde, waxay kaloo ku sifoobeen Markhaati beenaalayaal Muuse u fura Markhaati kasta oo been ah ee arrimaha doorashooyinka iyo Siyaasada Somaliland.Beesha Garxajis nimankaas Il gaar ayey ku haysaa.


Somaliland, waxay ka laalaadaa Laag dheer oy wakhti kasta ka dhici karto hadaan la bedbaadin.


Naaleeye.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...