Ururka Dhalad Oo Hogaan Cusub Doortay, Cida Ku Bahawday Iyo Wakhtigii La Aas Aasay+Sawiro

0
Saturday June 29, 2019 - 23:05:58 in News by
  • Visits: 2287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Dhalad Oo Hogaan Cusub Doortay, Cida Ku Bahawday Iyo Wakhtigii La Aas Aasay+Sawiro

    Ururka Dhalad Oo Hogaan Cusub Doortay, Cida Ku Bahawday Iyo Wakhtigii La Aas Aasay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Dhalad Oo Hogaan Cusub Doortay, Cida Ku Bahawday Iyo Wakhtigii La Aas Aasay+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Ururka DHALAD waxa ku bahoobay gudiyada ardayda tobanka dugsi ee mashruuca codka Dhalinyaraddu ka socdo oo kala ah, dugsiyada saree SH. Cali Jawhar iyo Aadan Isaaq oo ku yaala magaalo madaxda gobolka Awdal ee Borama, Qalax oo ku yaala magaalada Gabiley, Gandi, 26 June, Ga’an Libaax, Maxamuud Axmed Cali iyo Quule Aadan oo ku yaala caasimada jamhuuriyada Somaliland ee Hargaysa, Bursade oo ku yaala magaalo xeebeedka marsada Berbera iyo Maxamed Shire Gaab oo ku yaala magaalada Sheekh.





Ururka DHALAD wuxuu shir waynihiisii ugu horeeyey qabsaday bishii koowaad ee sanadkii 2018. Intii uu socday shirwaynaha koowaad waxay gudiyada joogtada ah ee ardayda tobanka dugsi samaysteen oo ansixiyeen dastuurka amma sharciga ururka waxayna doorteen gudoomiye, gudoomiye ku xigeen, xooghaye iyo xisaabiye. Wuxuu ururku ololayaal wacyigelin ah ka fuliyey tobanka dugsi si ay kor ugu qaadaan wacyiga iyo fahanka ardayda ee la xidhiidha dhibaatooyinka maandooriyayaasha, mihiimada waxbarashada, khatarta budhcadnimada iyo iskooxaysiga dhalinyarada.

is dhexgalka ardayda 10 dugsi. Ururka DHALAD wuxuu ardayda u abuuray madal ay afkaartooda isku waydaarsan karaan, qorshayaal midaysan oo ay horumarka dugsiyadooda kaga qayb qaadanayaana ku falanqeeyaan oo iskula meel dhigaan.Waxa xusid mudan in ururka dhalad uu cilmi baadhis xaalada dugsiyada iyo duruufaha ka jira lagu ogaanayo ka fuliyey 10 dugsi ee mashruuca codka dhalinyaraddu ka socdo.


Waxay ardaydu waraysiyo la yeesheen ardayda dugsiyada, macalimiinta, maamuleyaasha iyo guddida waalidiinta si ay xog sugan oo xaalada dugsiga si hufan u muujinaysa u helaan. Markii ay dhamaatey mudo xileedkii golaha sare ee ururka DHALAD oo hal sano ahi waxa si heersare ah u qabsoomey shir waynihii labaad ee ururka oo lagu soo doortay hogaan cusub oo xilkii kala wareegay gudoomiyihii, ku xigeenkii, xooghayihii, iyo xisaabiyihii hore. Habka iyo hanaanka doorashada ee golaha sare ee ururku waa mid dimuqraadi ah oo dhamaan xubnaha ururku u siman yihiin, xaqna u leeyihiin in ay wax u codeeyeen amma loo codeeyo. Ururku wuxuu dugsiyada mashruuca codka dhalinyaraddu ka socdo ka fuliyaa doorashooyin dimuqraadi ah oo ay ardaydu ku dooranayaan gudiyadda ardayda kaas oo bedelay habkii hore ee ay maalmulka dugsigu ku magacaabi jireen gudidda ardayda. Waxa xusid mudan in maamulayaasha dugsiyada mashruuca codka dhalinyaradu ka socdo ay mahadiyeen doorka wax ku oolka ah ee ururka DHALAD ka qaatey wacyigalinta iyo baraarujinta ardayda dugsiyada iyo doorka togan ee xubnaha ururku ka qaateen horumarka dugsiyada.





Maalinuun kadib markii ay Ardeyda 10 Iskuul ee ku bahoobay Dallada DhALAD ay doorteen hogaanka cusub ee sanadkan hormuudka u noqon doona uruurka DhALAD ayaa waxaa ay booqasho dalxiis oo gaaban waxaa ay ku aadeen, buuraha taariikhiga ah ee Laas-geel halkaasi oo ay ku soo arkeen sawiro iyo farshaxano dadkii halkaasi daganaan jiray mudo qarniyo ah ka hor ay ku sawireen. Ardeyda ayaa intii ay ku sugnaayeen goobta waxaa sharaxaad ku saabsan sawirada iyo macnayaasha kala duwan ee ay bixinayaan waxaa u sharaxay masuul goobta dalxiiska ku sawirnaa oo soo dhaweyn ku qaabilay ardeyda,waxaana ardeyda mid mid loo dul geeyay buurahaasi,waxaana ay dib uga soo laabteen iyaga oo fahan buuxa ka haysta buuraha Laas-geel iyo tariikhda fog ee ku duugan gudahooda.





Cabdirisaaq Axmed Xasan oo ka mid ahaa Ardeyda goobtaasi dalxiis tagtay isla markaasina ka socday dugsiga Sare ee 26 June ayaa waxaa uu sheegay in waxyaabaha ay ku arkeen ay yahiin waxyaabo aanay markii hore xataa fikir hore ka haysteen, isla markaasina ay tahay waxbarasho cusub oo ay dalkooda goobaha qadiimiga ah ee ka midka ah ku baranayaan. "markii hore wax fikira anuu kamaan haysan goobtan,balse saaka si buuxda ayaan xog wanaagsan uga soo uruursaday waxaanan fahmi karaa dhamaan sawirada ku xardhan dhagaxaanta buurta dul yaala oo dhan.”Ayuu yidhi





Cabdirisaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in goobtani ay tahay guryaha maanta aynu deganahay guryo la mida balse aan lahayn sariiro iyo fadhiyo uun,balse hoy ahaan loo gali karo oo roobabka iyo bahaladaba ay kaa celinayaan. Dallada SONYO iyo hay’ada SOS-Somaliland oo dalxiiskaasi kooban iyagu ka taageeray ardeyda ka kala yimid gobalada dalka ee ka tirsanaa Dugsiyada ku bahoobay DHALAD ayaa guud ahaan u mahad celiyay labadaasi hay’adood ee ka taageeray sidii ay dalkooda u soo baran lahaayeen isla markaasina markasta dhalinyarada ku garab taagan sidii ay maskaxdooda iyo aqoontooda ay u kobcin lahaayeen dhan kasta oo ay tahay.



Loading...
Loading...