Madaxweyne Muuse inaba Caadi Maaha.
Illaaheena weyn ayaa Cudurka iyo Caafimaadkaba bixiya, Hadana masiibo kasta oo caafimaad daro keenta shay ama waxbaa loo aaneeyaa inay sababto, aan malaha Bidaartu ku jirin, waayo waata layidhaahdo Bidaari Sibiqbay kugu Gashaa, inkastoo iminka Dalka Tukrigu Dabiibkeeda helay!.
Hadaba waxa jira Xanuuno tiro badan oo ay sababaan Jabhadaynta, Dagaalada ku aadan Dowlad ama Qabiil iyo Dagaalada Sokeeye, Xiliyada Collaada iyo Dirrirtu waa ta ugu saamaynta badan Aadamaha waxa soo Asiiba, waana waxa aan kasuulin Maanka Aadamaha ee ku Raad dhega taas oo keenta Ruuxaasi in aanu si San ama siduu ahaan Jiray Dhacdooyinka soo maray hortood aanu noqon karin ama ahaan ruuxuu ahaa, waayo wax lama illaawaan ah ayaa maankiisa ku Daabacmay oo siduu u fikiri jiray iyo siduu wax uga Fal-celin jiray iyo xitaa siduu wax u Maarayn jiray ayaa humaag sawirkii ciiro Hadheysaa oo Dhacdooyinka Dhiilaysani ka guudmaraan oo si cad oo quman wax uguma muuqanayaan, taas oo waxyeelo ku keenaysa Fayowga dhimirka Ruuxaa, waana ta Cilmiyan Dadka aqoonta la rifiiqa ah ee Culimada Caafimaadku sheegay in Ruuxa Askariga ah ee Dagaal mudo socday ka qayb qaatay laga dhawro in uu noqdo Hogaan shacab, iska daa kay u dheer tahay Jabhadayn iyo Dagaalo uu kula jeestay kuwii Jiidhkoodo iskuyaalay iyo Dirrir iyo Dhiig sokeeye.
Hadaba waxa jirta in 20/08/2023 uu ka billaabmaayo Degmada Burco ee gobalka Togdheer shirweynihii Xisbiga Kulmiye kaas oo la rajaynaayo in Labada Kornayl ee Xisbiga ugu sareeya ee mudada Xisbiga hagaayey ay taajka Gudoomiye isku dhiibayaan sidoo kale in Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xasan Sacad 'Saajin' Musharaxiinta Madaxweyne iyo ku xigeen ee Kulmiye loo cummaamadaayo, Halka Mudane Saylici Laga yidhi labo jeer ayuu sharcigu dhigayaa inaad isasoo sharaxdee nabaday Mudane, Halka se Xisbiyada qaranka ee iyana xaqa u leh labada jeer inay tartamaan la duudsiin Rabo ee la leeyahay wakhtigii baa idinka dhacay ee ururo noqda Ana Mudo dabo-dhah oo Xisbi Xaakin ahaan ii gaar ah baan wax ku maamulayaaye!, Waar Bal dalcadan iyo nasladan eega!, Hadii Mudadii Dhamaatay Xisbiyada qaranka weyka wada dhamaatay ee waa in xukunka dad aan Xisbiyada ka mid ahayn oo dhex ah loo sii dhiibaa, oo ay Doorasho gaadhsiiyaan, sidee isku qabanayaan 3 Xisbiyo Qaran oo gudboon mid keliya ayaa mudo kordhin u sugnaanaysaa, laba Xisbi Qarana mudo kordhinta waa ka debeda oo iyaga waa u Mudo Koob!. Ma Xaq baa Ma Xeerba? Waar tanoo kale yaa arkay?!.
Dhanka kale Qudbadii uu Mudane Muuse ka hor jeediyey ardaydii ka qalin jabinaysay Jaamacada Burco waxa ay ahayd mid aan qusayn Ama dhiiri gelin iyo hogo tusaale u ahayn ardaydii qalin jabintooda ahayd se waxa ay ahayd mid kala jeeda!, waayo Mudane Muuse wuxuu qirtay in Ila Meeraysadii lagu xaman jiray inay jirto waana Hadal Af Madaxweyne inuu kasoo baxo ahayn, waxa jirta in uu Mudane Muuse sheegay in uu Dulqaad iyo Dad-fahan mug leh uu leeyahay, waxa aynu ognahay Arintii Gobolka Sool ee Siyaasad xumaan iyo wacad daro in ay siyaasiyiin badan oo deegaanka kasoo jeedaa kaga Hulleeleen, halka uu Mudane Muuse ku Baanay in Duqayn iyo Rasaas uu ku marayndoono Sool!, inkastoo aanu layaab lahayn waayo waa xirfadiisa uu ku qalanjabiyey ee Jabhadna uu kusoo ahaa Dagaal wax ku xalintu halka uu halmaamay in Jamhuuriyada Barakaysani Soomaaliya kaga irdhowday la midoowgoodii Dilkii Xasuuqii iyo Duqayntii loo gaystay, waxa layidhi Mayd yaa ugu Danbeeyey iyo Kaa lasiisido!, waatii Buurta gacan libaax ay u baxeen Muwaadiniin Cabasho ka qaba Xukuumada Mudane Muuse waatii odayaal Cummaamadan is xil qaamay ee u guntaday in ay arinkaa dhex galaan hase yeeshee waatii inta Lala Meeraystay Ciidan RRU ah hoosta laga diray ee layidhi ka daba gala Buurta oo soo qabqabta waana tay Masiibadii Xumayd ee Foosha Xumayd ee kugu dhimay oo kaa dhimay ka dhacday, iyada oo taasi dhacday ayey iminkana Xukuumadu ku hawlan tahay in dad kalana gadood baxaan waayo? Tabtii Faqashta ayaa Dad muwaadiniin ah inta guryaha si argagax leh loogu daato lala baxayaa oo qoysaskoodii iyo ubadkooda laga sasinayaa iyaga oo aano looga dhigaayo telefoonkoda ayaanu soo ogaanay in lanbar kuwaa Buurta galay lahaan jiray inuu soo wacay maalin!, iyo sawir aad la sawiran tahay ayaanu aragnay!. In TiroDoor ah oo ciidamada qaranka ah, oo qaar darajo leeyihiin ayaa guryahoodii lagala baxay muwaadiniinta Buurta Gacan-Libaax koray ayaad isku Hayb tihiin awgeed!.
Waxaynu iyana ogayn Markii uu billaabmay muranka siyaasadeedka Dalka ka alloosani Iskusoobaxii shacabkii dareenkooda muujinaayey waatii inta argegixiso lagu sheegay war isgaadhsiinta iyo laydhkaba loo bakhtiistay ee dhegta dhiiga loodaray!.
Hadal iyo Dhamaan waagii hore qofka Fayada Maskaxdiisa ama Dhimirkiisa wax layska weydiiyo Dhakhtarada Dhimirku Foosto Gun-la' ama daloosha ayey inta Baaldi loo dhiibo biyo ku Dhaami ama ku shub oo buuxu la odhan jiray, Iminka se Makarafoon inta loo dhiibo ayaa Dadka la Hadal layidhaahdaa, ee Bal Muwaadiniinay Muuse waakaase Maxaa idinka Baxay?, Mudane Madaxweyne Muuse inaba Caadi Maaha.
Waxay Dadku Doonayaan
Dimuqraadiyadu weeye.
Khadar Hooyoley (Fartaag)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!