Geerida Abwaan Jaamac Kediye
Waa Birmageydadii Kun Iyo Koobaad Ee Ku Baxa Gacanta, Gacan Ku-Dhiigle Muuse Biixii.
Abwaanka allah ha u naxariisto, Qoyskiisa iyo Ummada Somaliyeedna Samir iyo Iimaan allah ha ka siiyo. Aamiin, Aamiin.
Abwaanka gacan ka xaqdaran ayaa dishey oo isagu waa shahiide, hoog iyo halaag wuxuu maanta u sugnaadey Gacan ku dhiigle Muuse iyo Cawaankiisa Jarriimad kasta ku taageersan, kuwaasoo Culumo iyo Caamo ba leh.
Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama' la'aanteyda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay waxaan gowska uga daayey
Dar guryii ka yimid baa war baas iila soo galaye
Geeridii Jaamacbey sheegayeen gacal ha waayeene
--
Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka Soomaale
Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaane
Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye
Aduunyadatan laga guurayo ee gebegebada taagan
Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (scw)
Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye
Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye
Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin
Oo geesta Nebigii i mari maanta lays gurayo (scw)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!