Is- Qancin iyo is-maqal kalsoonida Ummadaa ku dhisan!
Xikmadda aynu u soo qaadannay waxay tahay, madaxdeennu innagay inoo
adeegtaa; waana sida dad inoo haya tukaan. Sida qof tukaan lihi uu ugu yidhaahdo shaqaalihiisa,
waar ammaanada ilaaliya, xisaabta wanaajiya, alaabta kala hagaajiya, bulshada
tukaanka ku xidhan waji wanaagsan ku qaabila. Haddaba qofka madaxda kuu ah
waxaad ku odhanaysaa sida quruxda badan ee ay wax kuula muuqdaan, waxaad
siinaysaa talo toolmoon, waliba adigoon cidna dulmiyeyn, cidna ku xadgudbayn
Sharaftooda, Dadnimadooda; cadaaladana aan ka tagayn.
Nebi Muxamed (CSW) dagaalkii xunayn markii geel badan lasoo qaaday, ayaa
qayb badan oo kamid ah geelii qaniimadda ahaa, intii badnayd waxaa la siiyey
quraysh, iyadoo xikmadda ku jirtaa ahayd, kasbasho in si fiican qalbigooda
islaamnimadu ugu dagto. Arrintaana waxa yar dhibsaday Ansaar oo ahayd
Gargaarayaashii Rasuulka (CSW); waxaanay soo direen sacad binu mucaad oo kamid
ahaa odayaashii ansaareed; ahaana asxaabigii qiimaha lahaa, daraadiina carshiga
raxmaanku u gariiray, markaasuu ku yidhi: "Rasuulkii alloow masaladaa naga
qanci, dhibtana annagaa leh, dheeftana Waxaa leh quraysh". Rasuulka Allah
(CSW) ma cadhoon manuu odhan anigoo rasuulkii Allah ah, dadna ugu sharaf badan
miyaad sidaa iila hadlaysaan. Balse wuu qanciyey, waxana uu ku yidhi: "Dadka
oo dhammi hadday waadi maraan, ansaarina mid kale marto idinkaan idin raaci
lahaa, miyeydaan raali ku ahayn in idinna Rasuulka Alle idin raaco, iyagana
xooluhu raacaan" sidii baanay raali ku noqdeen.
Sida tusaalayaasha aynu ka aragno, dawladnimadu waa Is-qancin iyo Is-maqal. Wakhtigii amiirul muuminiin cumar binu khadaab (RC), wuxuu ku dhawaaqay meherka in la jabiyo, qadar la isla garanayona laga dhigo, si loo fudaydiyo guurka, balse markii masjidkii laga soo baxay haweenay ayaa ku sugtay irridda masjidka, waxaanay ku tidhi "Yaa amiirul muuminiin rasuulka Alleba muu xadidin meherka ee sidaad adigu u xadidi kartaa" !! Markaasuu cumar binu khadaab Amiirul muuminiin garowsaday in arrintaa lagaga gar leeyahay, waanuu garwaaqsaday arintiina wuu ka Noqday. Nuxurka qoraalkaygu wuxuu ku soo ururayaa, Madaxdeennu waa adeegayaasheenna, hasayeeshee uma nihin addoomo. Xaq waxay innoogu leeyihiin, hab asluubaysan in aynu wax ugu sheegno. Innaguna waxaynu xaq ugu leennahay in ay inna qanciyaan, dhaliishana aanay u arag in mansabkooda lagu soo duulay.
Eng: Ridwaan Cabdilaahi Cilmi
Agaasimaha Han-dhis Academy
E-Mail: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!