Maxaa lagu xusuustaa abwaan Jaamac Kadiye oo Laascaanood ku geeriyooday?

0
Thursday August 17, 2023 - 09:46:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa lagu xusuustaa abwaan Jaamac Kadiye oo Laascaanood ku geeriyooday?

    Haddaba waa kuma abwaan Jaamac Kadiye?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba waa kuma abwaan Jaamac Kadiye?



Allaha u naxariistee abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Laascaanood, iyadoo la sheegay in uu ku geeriyooday madaafiic lagu gaaracay magaaladaasi.


 

Geerida abwaanka ayaa waxa noo xaqiijiyay ehelkiisa oo aan kula xiriirnay qadka taleefanka.

 

Abwaanka ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo kamida ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen.



 

Haddaba waa kuma abwaan Jaamac Kadiye?

Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Laascaanood oo maanta uu ku geeriyooday, abwaanka waxa uu ku jiray da’aadda 70-meeyada, abwaanka ayaa ka gabyi jiray idaacdihii Soomaaliyeed ee radio Muqisho iyo radio Hargeysa 1972-dii xilligaasi oo dadku ay si aad ah u barteen.


 

Abwaan Kadiye ayaa waxa uu gudbin jiray suugaan diini iyo dhaqanba leh oo isugu jirta Gabay guurow maanyo geeraar iyo kuwa kalaba, waxa uuna ku hadli jiray luuqadaha Soomaaliga Carabiga iyo Ingiriiska.


 

Abwaan Jaamac kadiye ayaa dagaalkii Soomaaliya Itoobiya ee 1977-dii waxa uu ka tiriyay gabayo badan oo uu Soomaalida ku wacyi gelinayo midnimo isagoo ku dhiirri gelinayay in ay isku duubnaadaan isla markaana muujiyaan wadaniyaddooda.


 

Allaha u naxariistee abwaan Jaamac Kadiye ayaa u baxay safarro badan oo xagga dibadda ah kuwaasi oo uu kaga qayb galay bandhig dhaqameedyo uu kusoo bandhigay suugaan badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed.


Abwaan Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ay saaxiib dhow ahaayeen Abwaan Jaamac Kadiye tan iyo 1971-dii isla markaana aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu xuususan doono abwaanka.


 

Abwaan Xaashi ayaa yiri " Abwaan kadiye waxa uu ahaa saaxibkey in kabadan 50 sano waxaa lagu xusuustaa wadani-nimo iyo dal jacayl, waxa uu necbaa in uu dalka ka tago, waxa uu dadka ku dhiirri gelin jiray midnimada iyo dal jacaylka”.


 

Abwaan xaashi ayaa sidoo kale yiri " abwaanka waxaa lagu xusuusan doonaa suugaan ay dhageysato Soomaalida oo idil meel kasta oo ay joogaan, yar iyo weynba, waxa uu dadka ku wacyi gelin jiray ku dhagganaashaha diinta iyadoo uu caan ku ahaa gabayada wacdiga ah”.


 

Abwaan Cismaan Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "maalmihii ugu dambeeyay abwaan Jaamac kadiye waxa uu ka shaqeynayay midnimada iyo isku duubnida ummadda Soomaaliyeed, waxa uu aad u necbaa qabyalladda waligiisna waxa uu ku hanweynaa Soomaali mideysan”. Ayuu sii raaciyay


 

Abwaan Jaamac Kadiye ayaa lagu xusuustaa mid kamida gabaydiisii aadka u caan baxay ee uu kaga hadlayo in qofkasta oo dunida awood ku leh mar uun uu ka tegi doono, waxa uuna gabaygaasi ku muujiyay wacyi gelin ku aadan sahayda aakhiro. Waxaa gayabgaasi kamid ahaa.


 

Allaa weyn Rabbi baa waaxidaad wada taqaaniine

 

Isagaa waduud ah aan tashiga la la wadaagayne

 

Isagaa wuxuu doonaya ba cidi la waastayne

 

Wax ba kama qarsoonoo qalbigu waxan hadduu yeesho

 

Wixii wali ba waa u waadaxiyo waasac maalin ahe

 

Alwakiilu magaciisu waa waaris aan dhimane.

 

Haddaad se xoolo waafiya dhaqdiyo aqallo waaweyn ba

 

Ama aad warshado leedihiyo waadiyiyo beero

 

Ama wiilal badan leedahayoo wax isku moodayso

 

Ama reer waliid sheegatiyo wadar xigaalkaaya

 

Wax ba adoon ka sidan maalkiyoo waayey noloshaadi

 

Oo maro ku waydaaran baa lagu walaandaynee

 

Wartii iyo xabaashaadii baa weec laguu dhigiye!

 

Walaal iyo adeer iyo hadduu wehel ku sii raacay

 

Warasadaad jeclayd dhoobaday kugu wafiifaane

 

Wadiiqadii lagaa keenay bay dib uga weecdaane

 

Adigoo welwelayaad indhaha walac ka siisaaye

 

Wadnahaa cabsiyi kaa gashaa aad wajacantaaye

 

Warran bay ku odhan malagyadii labada waaxoode!


 

Allaha u naxariistee geerida Jaamac Kadiye ayaa laga hadal hayaa guud ahaan gayiga Soomaalida, iyadoo ay ka tacsiiyeyeen mas’uuliyiin dhow ah.


 

Weli lama xaqiijiin halka lagu aasi doono abwaanka iyo goorta uu dhacayo aaskiisa.


bbc/somali

Loading...
Loading...