Kulmiye: Heshiiska reer Gabiley iyo reer Berbera Samaale wax ma u dhimayaa?
= Gabiley ayaa Berbera
uga tanaasushay tartankii guddoomiyaha koowaad ee xisbiga Kulmiye. Dad badan
ayaa arrintan u arkaya in siyaasi Samaale halkaasi lagu gawracay, arrintu se
sidaasi way ka duwan tahay. Waxa se micno weyn samaynaya in Samaale iyo
abtiyaashii reer Gabiley ay u kala dhammaatay.
= Samaale wuxuu gacanta
ku hayaa beesha HabarJeclo oo golaha dhexe ku xooggan, maadaama oo uu yahay
ninka ugu waayo-aragsan musharraxiinta. Waayo-aragnimada wuxuu ku khasban karaa
xubno kale. Meesha beelo heshiiyey ma
codeynayaan, waxa loo tartamayaa waa golaha dhexe ciddii awood iyo galaangal ku
yeelata.
= Beesha Habar jeclo
way is-yaqaanaan siyaasi Samaale oo markii uu wasiirka Maaliyadda ahaa wada
shaqayn ayaa dhexmartay, kumana doorsanayaan nin cusub oo aanay garanayn.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!