Maynaan Garanin,Geela Doofaarku Laayay,[Waa Hashii Gobaad Kii Garanayow]

0
Sunday August 13, 2023 - 11:53:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maynaan Garanin,Geela Doofaarku Laayay,[Waa Hashii Gobaad Kii Garanayow]

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim{A.S.C.W.R.W.B},

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim{A.S.C.W.R.W.B},




Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Geedi Reer Ahoo,Gadaal Loo Ceshaan,

 

Guri Ood U Ahay,Oonan Garanahayn,



 

Goobaan Ku Furo,Oon Gibisha Dhigo,

 

Gogol Nabad Ahiyo,Guryo Samo Ano,


 

Geelu Iigu Dhalay,Gorof Xoor Lehiyo,

 

Galac Dhaydutay,Go’an Aanan Hubin,


 

Gudonsaday Inton,Guracaw Rararo,

 

Goblan Talo Adun,Geesban Ka Maray,


 

Gooni Isu Taag,Guul Ah Baan Hayaye,

 

Gurgurshi Dalkeen,Guudka U Fidha,


 

Gedmiyayo Tiradii,U Akhriyay Gadaal,

 

Garan Waynayo,God Qalocan Degay,


 

Ganbiyo Hadhub,Gogol Xamar Dhige,

 

Gunimu Hordhigay,Goluhuna Fasaxe,


 

Gacan Kalu Galo,Masiirken Galbaday,

 

Galfof Dhimatayo,Go’day Waa Horan,


 

Gobaad Mooayaa,Gaawahaw Cushaa,

 

Colcastii Cuntiyo,Shilin Lagama Guro,


 

Garaabiidadiina,Weli Lagama Gubin,

 

Gendigii Ku Dhacay,Gunadbu Ka Tegay,


 

Gawracoo Qasho,Gorofkii La Tuuryo,

 

Kulmiya Gidiyay,Gondahana Ka Jaray,


 

Kuwan Goobayee,Gebgeb Laynayow,

 

Guna Maydin Jirin,Gaabis Baad Tihiin,


 

Ismail Abdillahi Handuleh.


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...