Afka Kama Hadlaan Wiilashaan Awlaxaw Tumaye ( Abdi-shotaly) .

0
Saturday June 29, 2019 - 15:57:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afka Kama Hadlaan Wiilashaan Awlaxaw Tumaye ( Abdi-shotaly) .

    Waxan maanta halkan ugu jawaabayaa, qaar ku meeraysta Somaliland Buu Abdi-shotaly Wax yeelayaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan maanta halkan ugu jawaabayaa, qaar ku meeraysta Somaliland Buu Abdi-shotaly Wax yeelayaa,
iyaka oo munaafaqad iyo qabyaalad aan qarsoodi lahayn reer hebel ahaan u taageera, hoosta-na gelinaaya askariga, hadana diidan in ay afka soo mariyaan, oo si cad u yidhaahaan, maxaad maamulka xaafada-yadda kugu diray Cabdaw? Laakiin aan kelyahaa lahayn, ee isu ekaysii-naaya,  in ay Somaliland daacad u yihiin iyo wadda jir-keedda. Siddii ay cid ka hoos bixi karaan, ama ay khiyaamayn karaan, raba in si yar oo doqoni ma garato ah, kuugu dhigaan sabaaxad, si ay kaaga helaan waxay doonayaan, kuguna eegayaan in aad ka yeesho, qudhunka ay reer hebel ku daba socdaan, xaq-darradda ay gacanta sii-nayaan, kala sooca ummadda, boobka aan loo miidaan deyeyn, xadhiga beelo gaar ah  lagula kacaayo, qareenadda loo diiday in ay difaacaan, in ay u hadlaan dadka la iska haysto, qaarna ay u xidhan yihiin, mid ay ku sheegaan maal-qabeen, oo askariga isku xaafad yihiin, Nin-kaas oo hore-na loogu xidh-xidhay rag xildhi-baano baarlamaan ah. 

 

 Waxay kuugu daran tahay, marka kii somaliland duminaayey, uu kuu soo beys-beysto, oo adiga oo kii  jiritaan-keedda u dagaala-maaya ah ,uu denbiile kugu sheego kii iilka u dheereeyey, ee iyadda oo nool, oo aan la gawricin, faashka ku googooyey. Afka kaam hadlaan wiila-shaan awlaxaw tumaye, Socon mayso qabyaala-daydu waa siyaasad, taaduna waa reer hebel, annaa xamar la haysta, oo ay wax walba ii soo saxeexaan, hadana adaan kugu seehgayaa, sidaan doono aan yeelo, ee igu daawo, hadala ha ka keenin, wax kaste oo aan fallo-na sacabka ii garaac, xagee laga dheelaa, waxan ku leeyahay askarta meesha bood-boodaysa iyo cayayaanka ay ku biili-yaan hantidad ummadda, ee ka soo jeedda xaafada-hoodda, aniga maaha kaag tidhaahaan somaliland buu burburi-nayaa, mid-kiina inta aan u soo maray, cidi usgageed ka gaaadhi-maayo, xataa labadan askari, ee xuduudda baanu ka talawnay ku sheegta mujaahidiin, in aanay kaba-hayga gaadhayn, waayo wax dagaal ah oo ay galeen yaa-sheegaaya?, beenta bay ku ceesh-taaye. halkaas bay dagaal ka galeen i dhaha. Ka la yidhaaho geenyo shaaximan ( waxad ugu yeedhaan ina kaahine).  waa kii 1987 geliyey Balidhiih inta uu askar soo kaxaystay, oo weliba ay hubka u ridayeen Axmaaro, ee isana dirqi ku baxsaday ilaa Habuura ee ibixiyaw-i-bixi ay ka dhacday. Calaa-haakadda weliba watay Ciidan Axmaaro ah, ee ay faqsha qab-qabtay, dhaawacooddii la keenay dhakhtarka Burco, ee uu Harag-waafi kala soo baxay (IHUN), laba cisho dabadeed. dhaaxaan nin hana qaad is biday soo hogaan baraye. miyaanay dhab ahayn intan hoos ku taalaa oo dhami, yaa I odhan kara, qodob-kaasi waa been, ka lahaw soo gal war-baahinta, oo ii soo jawaab, meela-haas lagama nac-nac-leeyee:-

 

(a) Waxa jeelka iskaga jira, Liqoo yare, oo ah wiilkii la yidhi kaba-hayaga dhunko, ee markii wax loo qaban waayey, ee saddex wiig ka soo wareegeen aarsday, ee isla habeen-kiiba la soo xidhay, iyadda oo aan kii kale ee bilaabay aan la dul marin, hor-tiisana aan laga wareegin, ee uu xoriyad u joogo Hargaysa, maxakamad-na aan la keenin kii aar gutay, kii bilaabayna aan la xidhin.

(b)  Cabdilqaadir, oo isna wax lagu haystaa aanay jirin, ee la yidhi gole watsapp ah baad ka hadshay, Isna loo diiiday damiin iyo qareen-toona.

( c) Ahmed Baashe isna gabay baad tirisay, aad ku dhaliilayso Maamulka askarta baa lagu haystaa, bilaa maxakamad, loona diiday qareen u hadla.

(d) Abdiraxmaan Haaruun isna whatsapp, baad wax ka tidhi buu ugu jiraa jeelka. 

(e) Abwaan Abees gabay uu ku sheegaayo waxa dalka ka socda xumaan-teedda, baa lagu xidhay, oo bilaa qareen uu ku yahay, iska jiraa jeelka, lana xukumin, wax haystana aan la garanayn isaga iyo inta kale-ba.

(f) Waxa Xidhan todoba suxufi oo ka mid ah war-baahinta beriggii hore markay dawladda ahayd, la odhan jirey Somaliland, imika-se ah xaafadland.

(g) Wiil u shaqayn jirey wasaarad ku sheegta war-faafinta, waxa shaqaddii lagaga eryey, Askarigu sidaas buu u socdaa, oo weliba lagu xidhay, ilaa hadana uu jeelka ugu jiraa.

(h) Laba hablood oo buraanbur ka tiriyey, boobka askarigu ku kacay baa iyana jeelka loo taxaabay.

 

- Maxakamad madax-banaani ma jirto, ee askariga baa u soo qora waxa ay xukumayso,  garya-qaano ku sheeguna waa magac u yaal.

·         

o   *Komishanka biidhi-qaataha ah ee askariga, iyana sidda wad-kiina aad u og-tihiin, baydin u garanay-saan in ay qaateen laaluush, oo kuli-good yihiin xaaraan nijaas lagu dalacay, saw ku durug maaha.

·        Ka Booliis ku sheega ah,  oo farta loo saaro, qofka la iska doonaayo, ee in si uun loo cabudhiyo, iyo beel gaar ah loo direy, lana yidhi kuwaas oo keliya isha ku hay, jeegaanta iyo waxay walaaqa-nayso dheg haw dhigin, mana arki kartaan, baa isna mid aan xoolaha dhaamin ah, oo aan odhanayn-ba maxaa lagu haystaa dadkan, jeelka laga buuxiyey? maalin-ba been tii hore ka daran u soo malma-luuqa kuwa loo adeegsado.

·        Markay cayn-kaas tahay, kuwa derbi-yadda la jiifa, iyo merfesh-yadda tororogta, nin-kaas baa somailand baabi'inayaw, waa keenee ka halkaa dhigay? Ee burburiyey Somaliland ma anigaa? Oo u doodaaya, sinaan-teedda iyo wadda jir-keedda, cadaala-deeda? Mise waa adiga? ka ku raacaaya eex-dda lagu kala gudbi-naayo beelaha, musuq-maasaqa xadhiga goostay, iyo beenta ummadda lagu xaraashay?

·        Markaan soo koobo, Iyadda oo aad sidaas tihiin, waxa meesha yaalaana, ay tahay daalac yaa shamis, baad hadana iska dhigay-saan, qaar aan far-toodda subag-ba darin. Mararka qaarkood-na awliyo soo daahirtay, oo igu  yidhaaha illaahay ka baq, oo af wacan ku hadal cabdaw, kuwo kale-na yidhaahaan Somaliland ma ayid-sana. Waxay kuugu dara tahay akhristaw, sidaas waxan u aqaanaa naqari, oo ha kashifin waxan qulubaa-gediyey-no. Bal waxay ku leeyihiin taas baa cadaalad ka talisa na-looku sheegayaa, oo ummadaan u dhex ahay na leh. Mujaahid baa ka madax ah, kaas oo ah tuuga hantidda ummadda siduu doono ugu takri falaaya, ee laxooxdda ka qaadi jirey Xarshin, bay noo dhab-dhabayaan.

·         

o   N.B Dhaaxaan Nin Hana Qaad Is biday Soo Hogaan Baraye!

o   Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...