Berbera:-Shirkada G2S (security Groupka) oo samaysay Musuqmaasuq heer Caalami ah Dhacdada Mashruuca ilaalinta Xadhiga Internetka Cable-ka iyo Xogaha Ku lamaan
Kadib Markii shirkada G2S, ay adeegsatey macluumaad Been abuur ah oo laga sameeyay, badhkood Wasaaraddaha Somaliland, waxa ay si Fudud u Qaadatey contract, ilaalinta amaanka Xadhiga Cable-ka Internetka Xarunta Somaliland ee Berbera.
Nasiib darro habayaraatee may qabanin shaqadaasi oo ay Ku Qaadatey lacag dhan (laba Milyan iyo sideed Boqol oo kun oo Lacagta Dollarka Mareykanka ah), oo aan laga bixin Cashuurtii Dawladdu Ku laheyd, Wasaaradda Maaliyada( Gts)-kawaxaannay sheekadani dibadda usoo baxdey kadib Markii ay Siweyn u shakiday Baadhis dheer Kadib shirkadda meta-Facebook oo Lacagta bixisay contract
ay Qaadatey Waxa shaki weyni Weyni Ku yimid Companiga Facebook oo Baadhis Ku samaynaya qaabkii markii hore heshiiskani u baxay, shakiga ku yimid metta-facebook.
Shirkada Lagu Magacaabo G2S(security Group), oo Lasiiyay amaanka Illaalinta Xadhiga Internetka ee Cable-ka Somaliland waxaa kali ku ahaa oo isagu sitoos ah u qaatey contract-Kan shakhsi kali ah oo aan dhameys tirin adeegii looga baahnaa, mMaadaama uu Markii hore Ku helay, cadaalad darro, iyo shaqaalihii hawshaa qaban lahaa magaciisa saxda ahi waa Cabdinaasir Cabdilaahi Cali, waxaannu isticmaalaa magac kale oo Khadar Cabdi Daahir iyo taas oo iyadduna marag ka ah Inaan hawshiisu marnaba sax aheyn mar hadduu badelay magaciisii.
Haddaba imika fashilaada ugu weyni Waxey ka joogtaa Kadib Markii Lagu dabagaley ninkaasi Contract-ga aannu Waxba ku Qaban iska qaatey innuu waji kale u sameeyay musuqmaasuqii iyo been abuurkii uu Sameeyay, waxaannu dib ugu soo noqdey Shaqaalihii Shirkada Somcable Somaliland, oo ah kuwa sida dhabta ah u hayey mashruuca uu qaatey, kuwaas oo uu iyaggana kula kacey musuqmaasuq kale isagoo adeegsnaya laaluush iyo been abuur, waana Sababta imika isaga daraaddii loogu taxaabay arrintan oo sumcad dilis iyo bar madaw ku ah Somaliland iyo sida ay u aamini lahaayeen Shirkadaha, Caalamiga ah ee aamini lahaa dalkan.
Waxaann soo bandhigaynaa cadeymo iyo Taxanaha Mashruuca Musuqmaasuq ee ay samaysay G2S (security Group) iyo ninkaasi.
Xasan Cabdi Cabdilaahi
Berbera(Somaliland)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!