Doorashooyin Hagaagsano,Dadku Ay Ku Qancaan,Dadaalo Ku Dhaqaaqa.

0
Friday August 11, 2023 - 09:13:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyin Hagaagsano,Dadku Ay Ku Qancaan,Dadaalo Ku Dhaqaaqa.

    Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

 



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

Dimuqradiyadeenu,Dawladu Shicib Doortaabu,


Distoorkeenu Dhigayo,Diyaar Aan U Ahaynooy,

Dadweynu Sugayene,Haddii Layskuba Diidayo,



Asxaabtii Badh Didaen,Duulna Buuraha Foolay,

Dawlad Sool Ku Dhawaqdo,Dawadiina La Wayey,


Dalkeenii Kala Daadayoo,Dib Baynoo Celiseeno,

Dumise Oo Qarankeenii,Denbi Baad Ka Gasheene,


Distoorkeena U Baadho,Degdeg Qaada Talaabo,

Dacwad Aynu Ku Oogno,Diliyo Waa Dacaskooda,


Denbiga Kuwa Yeeshe,Xeeraryaw Dejinaayoo,

Daacadon Aminaynayo,Dar Allaw Gudanaaya,


Dunidooyna Amaanta,Amaankeena Dartiisoo,

Dahabkii Iyo Doolar,Suuqyada Daadsanyihiin,


Dawladii Kulmiyunba,Dagaaluun Ku Bilaabay,

Dadkena Tacabkodii,Dalawdheer Laga Tuuray,


Dadkiibu Kala Qaybsho,Dalki Uu Isdhexyaacay,

Daahirba U Danbeyay,Dalka Dawlad Hagaagsan,


Dibna Loo Filan Maayo,Haddii Aan Wax Isdoorine,

Dushana Aan Iska Saare,Doorashadun Ma Galaa,


Dagaal Maanta Dhacaayiyo,Dulimad Iman Maayo,

Dadku Wuu Ka Gaboobayo,Dantiba U Run Sheegtay,


Diba Loo Yabyabtaaye,Duulkanunya Ina Dhaafsha.

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...