Shabeel Dad Cuna, Hadal Waxba Kama Taro ,Hadalna Kugu Daynmaayo (Ali Biixi).
Waxa jiri jirtay dad beeralay ah oo meel tuulo ah ku noolaa oo beerahooda marka ay sii socdaan iyo marka ay soo socdaan , soo dhex mari jiray kayn jiq ah .
Waxaana ku noolaa habar dugaag fara badan oo laakiin hilibka dadka cunin.
Hadaba waxa dhacday shabeel baa gaboobay oo waxna ugaadhsan kari waayay oo xanuun-na u raaco ,
ayaa maalintii danbe qof marayay kayntii dhexdeeda ku cunay,
kadibna habeen iyo maalinba dadkii beeralayda ahaa ayuu maalinba mid ku cunaa.
Shabeelkan oo uu lahaan jiray madaxweynihii dalkaas markiisii hore oo uu ka soo baxsaday.
Kadib dadkii beeralayda ahaa waxay u ashtako tageen ninkii magaalada ka talinaayay ,
Isagiina madaxweynihii ayuu ugu qoray dhibaatadii meesha ka jirtay , weftina wuu raaciyay.
Madaxweynihii markii arinkii looga waramay , ayaa inta uu istaagay yidhi: ma aniga oo nool ayaa dadkaygii shabeel sidaas u cunayaa.
Wasiirkii madaxtooyada ayuu u yeedhay oo ku yidhi: warqadaas qaad oo u gee shabeelka dadkaygii cunay oo u dig oo ha u noqon ku dheh .
Wasiirkii warqadii ayuu qaaday oo kayntii jiqda ahayd isaga oo doondoonaaya shabeelkii
Ayuu mudh ku soo yidhi shabeelkii markaasuu warqadii u taagay .
Shabeelkii warqadii iyo wasiirkiiba wuu cunay.
Madaxweynihii dhamaa dhibaatadii beeralayda wuxuu ku xaliyay hadal iyo Weedho aan ficil la socon.
Hadaba weedhaha iyo hadalka aan ficilku iyo fulintu la socon ,
Ma shaqeeyaan, waxna ma taraan.
hadii aanay la socon ficil iyo awood wax lagu fuliyo.
Sidaas awgeed ma jiro hadal ama weedho kaa celinaysa shabeel dad cun ah .
Waxa wax kaa celinayaa,waa ficil iyo awood iyo fulin.
Waxa la mid ah diktaatoorka aan dagaal iyo xabad mooyee wax kale waxba ku qaadan ee aan wax kale ku joogsan ee aan maqlin wax kale .
Diktaatoorka keligii taliyaha noqday , waxa joojiyaa waa rasaas uu maqlo .
Calibiixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!