Casharadan Bal Ila Eega,Cimilada Isweydaarsan.
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.
1-Colaad Arab Ka Cararayo,
2-Ciidagalena Diidaayo,
3-Ciise Muuse Doonaayo,
4-Cabanayso Habaryoonis,
5-Cartamaayo Daroodku,
6-Caqli Habarjeclow Noqotay,
7-Culimada Xadiiskeeda,Cidi Aanay Dhaadaynin,
9-Caadadan Isweydaarsan,
10-Caruur Diiday Gurgooda,
11-Caamadii Ay Talinayso,
12-Cuudkii Caano Laga Waayay,
13-Cimiridherer Dad Doonaya,Oon Cibaadd Gudanaynin,
14-Camal’ida Umadkeena,Suuqyada Dhexceegaaga,
15-Calfdoon Tijaarteena,Danyartii Cuna Qabatay,
16-Camaraadah Dhadheer Leh,Cuntadi Cirka Geyay,
17-Cidi Aanay Goynaynin,Een Cashurna Laga Qaadin,
Cimiladaa Isweydaarsan.
18-Ciidamada Difaaceena,Cadawgeen La Hortaagay,
18-Caruurtoodu Guri Haysan,Cidi Hoos U Eegaynin,
19-Calafiyo Hub Uma Baahana,Ca’ilaad Daryeelkooda,
20-Caruuraha Skuulkooda,Caafimaad Bilaashkooda,
21-Cilmigiyo Wax Baridooda,Ciida Waxay Ku Leeyiinba,
Cadho Soo Ka Dhalan Mayso,Caynkan Haddii Aan Loo Dhaamin,
22-Ciidaha Loo Dabaaldegayo,Ee La Wada Ciyaarayo,
Caadilkeena Ka Sokoow,Cudud Soo Kumay Keenin,
Ciin Hadday Markale Daaqdo,
Caadilkeen Naguma Keeno,Cid Miyay Ka Soo Laaban,
Cimiladaa Isdiidaysa,Caadadaa Isweydaarsan,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!