Wareegtooyinka Muse Biixi Jigjigayar Oo Qudhay Khuseeyaan.
Runtii Marka Somaliland Ummadeedu Wadanka Ay Sheeganayaan Ma Kala Yaqaanaan Dugsiyada Reer SomalilandDugsiyadana Laguna Barto Degaanada Ay Somaliland Sheegato Dadku Siday U Kala Deggan Yihiin Iyo Qabaailka Siday U Kala Deggan Si Cilmiyan Looma Kala Barto , Aqoonna Isuma Laha Ummadda Reer Somaliland Lagu Sheegaa.
Iyo
Gobolada Aynu Lixda Ku Sheegnaa Xaqiiqo Ma Aha Ee Waa ( Tax Boundaries) Nin Siyaasiyi Ahbaa Iska Xar Xariiqay Iyo Maamul Yar Oo Mar Jiray , Marka La Doonana Xukuumad Kasta Wax Ka Bedel Way Ku Samayn Kartaa , Makaa Lixdan Gobol Ee Somaliland Sheegtaa Waa Iska Mala Awaal Nin Dantiisa Siyaasiga Ah Ayaa Ku Jaangooyey.
Maanta Somaliland Halkay Marayso Waxay Ku Soo Noqotay Goboladii Xaqiiqiga Ahaa Ee Dadka Somaliland Lagu Sheegaa Ay Lahaan Jirtay. Gobolada Xaqiiqiga Ah Ee Ma Guuraanka Ah ,Taariikhaa Kala Duwan Lihi Ee Lahjada Afsoomaaliga Iyo Dhaqanka Soo Jireenka Ah Lihi Waa Todoba.
1- Awdal ( Samaroon Iyo Ciise)
2- Maroodi Jeex ( Isaaq).
3- Saaxil (Isaaq)
4- Together (Isaaq & 15% Dhulbante)
5- Sanaag Bari (Warsangeli)
6 - Sannaag Woqooyi/ Sanaag Galbeed (90% Isaaq)
7- Sool ( Dhulbahante)
Xaqqiiqada Gobolada Gobolada Kala Qabaailka Ah Kala Lah Jadaa Ah Kala Dhaqan Iyo Dhaqaalaha Waa Todobadaa. In Caruuraa Iyo Cilmiga Iyo Dugsiyada In Sadaa Loo Kala Bartaa Waa Biyo Kama Dhibcaan ,Waana Ma Guuraan Xaqiiqada Goboladu.
Muse Waxaa Lagu Wareejiyey Todobaadaa Gobol Ee Waaweyn Ee Mid Walba Cidda Degta La Yaqaan. Dadku Waxay Midea Ha Mariyaan Lix Gobol Baa Muse Lagu Wareejiyey (Waa Goboladii Mala Awaalka Siyaasadda) Laakiin Xaqiiqdii Todobo Gobol Gobol Oo Waaweyn Ayaa Lagu Wareejiyey Oo Maanta Laba Gobol Oo Waaweyn Oo Aad U Ballaadhan Oo Arro Warsangeli Iyo Carro Dhulbante Ah Ayaa Baxay Oo Dhaqan Iyo Dhaqaale Iyo Ummadba Kala Baxay Wixii Somaliland Lagu Sheegaayey Mana Kusayso Wareegtooyinka Muse Biixi Iska Qorqoranayaa , Wareegtooyinka Muse Biixi Waxay Khuseysaa Inta Reer Jigjiga Yar Ee Muse Sacabka Iskaga Tumaysa Een Dalka Somaliland Iyo Dadkiisa Aan Waxba Ka Aqoon.
Ceerigaabo Laga Bilaabo IlaaBadhan Iyo Buuraha Cal- Madaw Iyo Laa Qoray Waa Afar Boqol Oo Kilometre Oo Square Ah. Wareegtooyin Muse Biixi Ma Khusayso Maanta Carro Warsangali , Carro Dhulbante Iyo Fiqishinni, Iyo Carro Garxajis Toona Waa Wareegto Aan Xaqiiqada Wadanka Iyo Waxa Jira Ku Salaysneyn Oo Mala Awaal Siyaasad Habawsan Waa Goaanadii Uu Laascaanood Ku Dumiyey Qudhoodii Buu Kusii Socdaa. U Fiirada Waxaan Ka Hadlayo Iyo Wajaale Iyo Hargeysi Intay Isu Jiraan.
Wadanka Dhaqaalihiisa Runti Waa Xoolo Nool Intaasaynu Dacaska Iyo Bariiska Soo Siisannaa. Beero Miisaaniyadeen Ka Muuqdaa Ma Jiraan. Aqalada La Dhisaa Waa Bank Accounts,Meel Kaloo Qofku Hantidiisa Ku Aaminuu Waayey Laakiin Lacagta Gashaa Wadanka Waxba Kagana Soo Noqdaan Waa Dundumooyin Hard Currency Aynu Ka Dhignay.
Waxaan Ku Soo Gebaynayaa Muse Biixi Wareegtooyinkiisu Waxay Khuseeyaan Inta Jigjiga Yar Joogta Ee Muse Biixi Madaxa Ka Qalday Ee Aqoon Wadanka Somaliland U Lahayn.
Qoraa Bashe Buurdhegayste.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!