' Arrinta Hawaddu , Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Saturday June 29, 2019 - 15:05:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ' Arrinta Hawaddu , Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    '' Arrinta Hawaddu , Bidaari sibiq bay kugu gashaa ''.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'' Arrinta Hawaddu , Bidaari sibiq bay kugu gashaa ''.


Hordhac.

Xuduudka wadan leeyahay wuxuu ka kooban yahay , Dhulka , Badda , xeebaha , iyo Hawadda intaas ayaana la isku yidhaahda xuduudka wadanka , bar-tilmaameedkaa isagoo ka duulaya Distoorka Somaliland wuxuu qeexay tilmaamaha xuduudaha wadanku leeyahay .

Taariikh kooban .

Ka dib burburkii Wadankii la odhan jirey Soomaaliya , maamulka Hawaddii wadankaasi lahaa waxaa gacanta ku haysay Haayadda Qaramadda midoobay u qaabilsan hawadda ee loo yaqaano ICAO , haayadaas oo la aasaasay 1944 , waxaana haayadaas uga wakiil ahaa Urur xaruntiisu tahay wadanka Kenya , kaas ayaana gacanta ku hayay ilaa hadeer .

Soo wareegidii Hawadda .

Waagii xukuumadihii Siilaanyo iyo Xasan sheekh Maxamuud ayay bilaabantay dalabka laggu codsanayo in hawadii dib loogu soo celiyo gacanta Dawlada Mogdisho , waxaanay arrintaasi ka mid ahayd waxyaabihii lagaga hadlay shirarkii ka dhici jirey wadanka Turkiga .

Muddo markii arrintaa laga wada hadlayay Somaliland xukuumadii waagaas ka jirtay waxay heshiis kula gashay xukuumadii xasan sheekh in Hawadda laggu soo wareejiyo Soomaliya , xarunta lagga maamulayana lagga dhigo Hargaysa , sidaas ayaana heshiiska soo wareejinta loogu gudbiyay Haayadii gacanta ku haysay .

Heshiiskaas soo wareejinta qaybtii qusaysay Somalilnad xukuumadda Farmaajo way ka baxday , waxaanay qaadatay oo keliya qaybtii soo wareejinta , sidaa darteed maamulkii Somaliland ee waagaas joogay waxaa ku dhacday sabaaxad aanay filayn , Mr Jangali oo arrintaa ka hadlayayna waagaas wuxuu sheegay in aan hawada laggu soo wareejiyeen hadaan Somaliland u ogolaanin , halka ninkii Somaliland ka matalayay ka yidhi ( rag yaqaan baanu nahay , waase lanagaga baxay heshiiskii ).

Muhiimadda Hawadda .

Maadaama Hawadu tahay qayb muhiim oo ka mida xuduudaha Soomaaliya sheeganayso waxay u isticmaali kartaa siyaasad iyo amni labadaba , waxaanay ku dhiiri gelin kartaa in ay qaado talaabooyin kale oo xadgudub ku ah Somaliland xuduudaheeda .

Xalka iyo fardaaminta .

Maadaama duulimaadyadda lagga hadlayaa yihiin kuwo rayida oo aan ahayn kuwo milateri , waxa la tix geliyaa labba arrin , 1- Nabad gelyada 2- dhawaanshaha maadaama ay yihiin kuwo ku salaysan ganacsi iyo macaash .

Muhiimadda ugu wayn ee duulimaadyadda rayidka ihina waa badbaadinta rakaabka , iyo gurmashadda hadiiba diyaaradaha ciladdi ku timaado si ay u fadhiisan karto gegooyinka wadanka la dul marayo ( Emergency landing) .waxaana mar walba qasaba in aan laggu khamaari karin bad-qabka rakaabka iyo duulimaadyadoodaba , waxaana laga maarmaana in duulimaadku ka dhaco marin nabdoon oo la hubo .

Siyaasad ahaan .

Somaliland iyo Somalia waxaa ka dhaxeeya khilaafka ugu adag ee ka dhex jirri kara laba wadan , maxaa yeelay waxay isku hayaan jiritaan iyo jiritaan la'aan .

Sidaa darteed Somaliland waxaa muhiima in ay ka faaidaysto fursadeeda Juqraafiyadeed , maadaama diyaaraha ugu badani ay maraan khadadka Somaliland , iyo fursada kale ee gacan ku hayneed , sidaa darteed waa in ay si toosa u qaadataa go'aano adag oo Haayadaha arrintaa ku shaqo leh loogu sheegayo in aan diyaaradaha dulmara hawada Somaliland aanay soo fadhiisan karin somaliland hadii ay ciladoobaan , nabadgelyadoodana aanay masuul ka ahayn , hadii aanay ogolaansho wadaysan Somaliland .

Talaabadaasi diyaaradaha wxay saaraysaa labba culays ,


1- korodh dhaqaale oo kagga yimaada xagga Caymiska
2- bedelaad ay badalaan khadka oo aan iyana ka sahlanayn .

Sidaa darteed Somaliland haday si fiican u ciyaarto kaadhkeeda waxay helaysaa labba guulood hoo kala ah .

1- In ay si fudud u tusto Aduunka in aanay Dawladda Mogdisho gacanta ku haynin hawada Somaliland .

2- In la aqoonsado xooga iyo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland .

Ugu danbayn Somaliland maanta haday kaadhadhkeeda si fiican u ciyaarto waxay gaadhi kartaa guul wayn oo siyaasadeed , hadii ay sahashatana arrinta hawadu waxay noqon kartaa bidaari sibiq bay kugu gashaa .



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...