Musuqmaasuq Baaha Dhacayo,Meeslkastaba Gaadhay,Miisaan Dawladeed Lama Hayoo,Mooye Qarankiiba.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Musumaasuq Meel Lagu Dhaqaa,Ma Laha Maamuuse,
Miisaan Dawladeed Kama Hirgalo,Maamul Reernimo,
Magac U Yaal Ka Soo Qaad,Sidii Maamul Goboleedka,
Mashaqawday Maamuusna Dhimay,Muunadii Qarane,
Masaakiintan Iyo Miidiyahan,Xadhiga Loo Miiqaday,
Maamulaha Iyo Aan Taabanayn,Mudanayaal Gaarah,
Malmaluuqan Meeraysigiyo,Meel U Socon Waagan,
Macnihii Dawladiimo Lama Hayo,Muranki Dheeraaye,
Macdaar Weeye Duulu Leeyahu,Xidho Markku Doono,
Masruuf Kama Baxshaano Iyaga,Meheradood Weeye,
Musanawga Qaylada Dadkanaan,Lama Muraadaynin,
Magana Eebbahooday U Yihiinoy,Maalintood Maqane,
Maal Xaaraan Ah Kii Muudsada,Malag U Meel Yaale,
Melefsada Mar Dhaw Baad Matagi,Muriyo Deebaaq,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!