Haduu Murankii Dhab u billaabmay ee Allow mid Dhiilo iyo Dhagar leh yuu noqon.

0
Tuesday August 08, 2023 - 10:29:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haduu Murankii Dhab u billaabmay ee Allow mid Dhiilo iyo Dhagar leh yuu noqon.

    Hadaba waxa isweydiin Mudan Markii Saddexda Xisbi qaran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba waxa isweydiin Mudan Markii Saddexda Xisbi qaran



Waxa maanta oo ah 08-08-2023 uu mudeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada barakaysan Mudane Muuse Biixi Cabdi Goorta ay qabsoomayaan Doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo Doorashada Ururada, isaga oo Madaxweyne Mudane Muuse qalinka ku duugay in Doorashada Tartanka Ururadu soo hor marayaan, iyaga oo laqaban doono bisha 12aad ee Sanadkan 2023, waa sida ku daabacnayd warqadii mudaynta Madaxweynaha, halka Toorashada Madaxtooyadana laqandoono dabayaaqada sanadka 2024 goor ku beegan Hal bill ka hor mudada ay ka idlaanayso ama kaga eegtahay Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mudo xilleedkii Dabo-Dhahda ahaa ee uu ugu Daray Golaha Dhaxaltooyada ah ee aan cod shacab ku fadhiyin ee Guurtidu.



 

Hadaba waxa isweydiin Mudan Markii Saddexda Xisbi qaran ee Jamhuuriyada barakaysani Soo baxeen ee ay ku Guuleysteen Tartankii Ururada in Sharcigu u dhigaayo in ay ahaanayaan Saddex Xisbi qaran oo xaq u yeelanaaya in ay u tartamidoonaan Talada Dalka ama Jaqada Madaxweyne iyo ku xigeen laba Doorasho Xileed, halka Marka saddexaad Ciddii Doorashada Ururada ee ka danbeeya doorashada Labaad ee Madaxtooyada ay noqon doonaan Ururada guuleysta ama soo baxaa kuwa markaa saddexaad iyagu tartamaaya,


 

Hadaba sidee ayey isku qabanaysaa in Xisbiyo qaran oo ay u hadhsan tahay inay tartamaan Doorashadii Labaad ee xaqa u lahaayeen inta la Duudsiiyo ay la tartamaan ururo iskadaa wax kalee aan Dowladihii hoose usoo tartamin oo sidii ku caddayd qaabkii Madax tiriska ahayd ee Mugdigu ku gaddaamnaa ee Dimuqraadiyada baal marsanayd ururadii kusoo baxay ee Dowlad hoosaba Dalka waxba ku lahayn, iskadaa' Golaha wakiiladoo, sidee ayey Xisbiyo qaran ugu tartamayaan?!.


 

Sidee se xisbul Xaakimka oo keli ahi uu Saddexdii Xisbi Qaran ee Dalku leeyahay ee shacabka Jamhuuriyada barakaysani kala taageeraan u helay Mudo kordhin Maamul iyo Jiritaan uu Mabda'yo iyo qaab maamulo uu u sameeyo u helay? Labadii Xisbi qaran ee la Gudboonaa ee la midka ahaana u heleen Mudo koobid aan mudo kordhin lahayn!??.


 

Allaheena weyn ee waligii Jiraha ahi wuxuu Quraanka Hadalkiisa ah uu inagu yidhi Suurada Nisaa aayada 58aad,


 

(Eebe wuxuu idin Fari inaad u Gudaan (siisaan) Amaanada Ehelkeeda, (Ciddeeda) haddaad kala Xukumaysaan Dadkana inaad ku kala Xukuntaan Caddaalad, Eebe waxaa Wanaagsan wuu idinku waanin Eebana waa Maqle Arka).


 

Hadaba Hadii Calan Tawxiidleh idin dul babado hadana xaq isduudsiin, ismaquurin, kali talisnimo iyo tayda oo kaliya ayaa soconaysa, oo wax wada-lahaanshihii iyo wax isku ahaanshihii laxaalayn tuu Eebe ina farayna layska dhego-maro wax wanaag ah lagama dheefayee saw Towxiidka calanka ku qorani wax qaban maayo?.


 

Qarnigii 21aad ayeynu ku jirnaa uu Noqday Aduunkii Jees meel wada yaala oo layska wada War Maqal iyo Muuq hayo, Macangagnimadii, Beentii iyo is maquurintii Qarnigii 20aad Degelkeena ku habsatay Qarnigan shaqayn mayso,


 

Waayo Run iyo Ul iyo Diirkeed ayaa Horumar lagu gaadhaa Macangegnimo Iyo tayda ayaa soconaysa qarnigan ruuxii niyada geliyaa waa Caamiye aan warhayn oo aduunka Qarnigii 20aad ugu danbaysay!, ee Bal Hadal iyo dhamaan Haduu Murankii Dhab u billaabmay ee Allow mid Dhiilo iyo Dhagar leh yuu noqon Aamiin.


 

Wax Rag kaa Galay

 

Waa wax Rako kaa koray.

 

Khadar Nimco Qadiijo (Fartaag)


 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...