Xukuumada Muuse Oo Xabsiga Utaxaabtay Wariye Idiris Alteeso.
''Idiris wuxuu kamid yahay dhalinyarada qoraalada kala duwan soo dhiga baraha bulshada''
Wararka
aanu ka heleyno magaalada Hargeysa Somaliland ayaa sheegaya, in xalay halkaas
lagu xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Idiris Alteeso, kaas oo kamid
ah dadka wax ku soo qora baraha bulshada gaar ahaanna facebook-ga.
Wiilkan
ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay, xili uu ku sugnaa hoteel ku yaalla
xaafadda Jigjiga yar.
Idiris
wuxuu kamid yahay dhalinyarada qoraalada kala duwan soo dhiga baraha bulshada,
balse ilaa hadda ma cada in sababta loo xiray ay la xirriirto qoraalada uu soo
dhigo bartiisa facebook-ga.
Wixii
ka soo kordha xariga Idiris, halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa.
Loading...
Loading...


0 





