Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Iyo Nabad Sugida.
Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa isbadal balaadhan ku sameeyey qaar ka mid ah hay’addaha amniga ee dalkaasi.
Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa magacaabay la taliyeyaal amni oo cusub, iyada oo isbadalkani ku soo beegmayo waxyar ka dib isku deygii afgembi ee ka dhacay dalka Itoobiya.
Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa taliyaha ciidamada difaacan u magacaabay Gen Adem Mohammed kaas oo badali doono taliyihii hore ee la dilay, halka uu taliyaha ciidamada nabad sugidana u magacaabay Demelash Gebremichael kaas oo badali doona Gen Ademo oo xilkan hore u hayey.
Taliyaha cusub ee ciidamada difaaca Itoobiya Gen Adem Mohammed ayaa ka soo jeeda maamulka Axmaarada halka taliyaha cusub ee nabad sugiduna ka soo jeeda qoomiyada Oromada.
Sidoo kale raysal wasaaraha Itoobiya ayaa Lieutenant General Mola Hailemariam u magacaabay taliyaha ciidanka dhulka ee Itoobiya.