Dhaqamada Xun Ee M.Biixi Leeyahay Iyo Hoosaasinta Iyo Wakhti Lumiska Ah
Shirqoolada jaah wareersan ee maanta taagan Iyo hoosaasinta uu m.biixi
wado.
Waxa la gaadhay
xiliyadii iyo saacadihii uu m.biixi soo saari jiray go’aamada isdaba jooga ah
ee iska wada hor imanaayay Kuwaas oo iswada daba socda.
Waxa uu abuuri doonaa
20 ergo oo kala duwan oo wada hoosaasin
ah iyo wakhti lumis.
Waxay kala noqon
doonaan :
1-Qaar uu isagu
dirsaday ,oo ergo sheeganaaya Ayaa isaga
dib ugu soo noqonaaya oo ka codsan doona , in uu ka aqbalo in uu kalsoonidiisa siiyo .
2- Dhanka kale baaq
nabadeed buu ka soo diri doonaa .
3- Dhanna baaq
colaadeed .
4- Marna
(saacadna) dhulka ayaa uu is dhigi
doonaa .
5- Marna (saacadna)
cirka ayaa uu is geyn doonaa .
6- Marna (saacadna)
cid kasta albaabada ayuu ka xidhan doonaa.
7- marna (sacadna)
afka ayuu taagi doonaa oo is maroorin doonaa.
Xaaladahan oo kale
m.biixi laftiisa ayaa gaadhi dukhaan ah saaraan doona, sidiisii oo marba nin ay beri hore isyaqaaneen oo uu
xumeeyay gurigiisa ugu tegi doona oo ka
dul dhici doona.
M.biixi Qof fara
badan oo kala duwan ayuu noqdaa:
Mar (saacadna)
madaxweyne ayuu noqdaa sharciga ilaalinaaya.
Marna (saacadna )
habar awal baa uu noqdaa.
Marna (saacadna)
jeegaan buu noqdaa.
Marna ( saacadna )
Isaaq buu noqdaa.
Marna (saacadna)
mujaahid buu noqdaa SNM ahaa.
Marna ( saacadna)
waxa uu u yeedhaa Salaadiinta iyo culimada iyo ganacsatada iyo aqoonyahano iyo wasiirada
iyo xildhibaano iyo madaxda xisbiyadaiyi KDQ.
Marba koox ayuu u
yeedhaa oo la hadlaa ah uu salaadiin uu sameeyay sheeganaysa oo sicir-barar ah
oo uu ugu yeedho :waa salaadiintii reer hebel ee rasmiga ahayd.
(Waxna kama dhegeysto
, waxna kama qaato) waa wada hoosaasin iyo wakhti lumis.
Waxaas oo meeraysiya
, waa khiyaamo iyo shirqool iyo dabino
uu isleeyahay wax ku hoosaasi iyo wakhti lumis iyo mashquuli Inta aad tallaabo
kale qaadayso. (Go'aankiisuna meel buu u yaalaa) .
Ninkan m.biixi yaan
la aaminin.( lamana aamini karaayo) . Waa khaayin Kibir badan oo macangag ah oo
aan cidna wax ka qaadan’ waxna ka dhegeysan.
Hadii ergo la
doonaayo ’ Waa la yaqaanaa sida ergada
loo galo iyo wadadeeda.
Ha laga feejignaado
m.biixi Oo yaan loo ILDUUFIN mar danbe.
Waxaas oo meeraysiya
waxa uu raadinayaa ILDUUF loo ILDUUFO oo uu ka fa'iidaysto oo isticmaalo.
Calibiixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!