Gudbonaan Hadday Weydo Iyo,Gacal Sinaantiisa,Gobol Maamuleedka Ka Wacan,Gole Ka Fuulkeena.
Bisimillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Goostee Haddii Barigi Go’ay,Goonina Istaagay,
Gadabuursiyo Ciisuhuna,Guuxii Daminwaayey,
Gobolada Intii Soo Hadhay,Gaadhay Murankeni,
Guluf Iyo Dagaal Soo Maro,Gurikastu Gaadhay,
Guuliyo Xumaan Wuxu Lahaa,Garanayo Roognay,
Guna Waanu Jirin Kaw Buke,Galabtanaw Xaytay,
Gudbonaan Hadday Weydo Iyo,Gacal Istaageera,
Garsorki Haddaan Loo Sinayn,Fulini Gaarowday,
Gardaradii Xalaal Noqotayon,Laga Garaabaynin,
Gaashaan Loo Adeegsado Qofkii,Diida Gacan Taag,
Gaargaar Inay Noqonaysiyo,Maamul Goboleedyo,
Garaadkaygu Wuxu Sheegayaa,Gar Iyo Daw Weeye.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!