Hadal Maalin Dheregaw ( Abdi-Shotaly).
Maanta waxan u soo qalin qaatay, in aan in yar ka idhaaho, qaar ka mid beesha garxajis, kuwaas oo wax kale aan loo dirin, balse marka beeshu ka gadoodda xaq-darradda lagula kacaayo, ama mid hadlo ee uu sheego dhaliisha maamulka labadda askari, iyaba waa yaabe, siddii dameerkii qaadka lagu rari jirey, dabadda laga soo basbaaseeyo, oo ay hor kacayaan, kuwii shaqadoodu ahayd in askariga bilaa maskaxdda ah, reerka u hoosaasi-yaan, oo uu kaw ka yahay, coomaadaha madax cad ee la yidhaaho " Ina Murjin Madoobe iyo daba-dhaqe" Oo waa duni aakhir sabaane iyaba'e sii adeeg-sadda qaar siddii shimbirtii " Xuunshadda" ee aan raq-dda habar-dugaag iyo haadda waaweyni cunayaan, qanjidhadda ay ka tagaan, ka sii daba feenan jirtey, waxa ka mid ah kuwaas ka la yidhaaho " Shaydaan Habaar iyo kooxaha gacan ku rimiska ah ee uu " Raggii ma adigaa ka hadhay" u sameeyey dhabar jebinta gudidda " Garxajis".
Qaar kale oo ganacsato ku sheeg ah, oo bilaa damiir ah, nasiib darrose, maanta maaha goor wax ay ka qaban karaan kacdoonka Garxajis iyo jabhadda gacan-libaax. Bal hadda akhristaw maansadan yar ila akhri, taas oo idiin fasilaysa, qaabka ay u shaqeeyaan dhuuni raac-yadda ay adeeg-sadaan digisi xagato iyo labadda askari ee " Xaafad-Tooyadda"
Adoo maalin dhereg raba,
Dheri uu kulaaliyo, Dhadhamadda u foog tagay, Dheef raadis aad tahay, Dhaqan-kaagu calaf doon, Dhabaq-saday cad quudheed, Dheg ximadda tolkii jecel, Cadaw dhabarka taabtee,
Loo qooyey dhuuntee,
Nacabkii u dhaansado,
Habeen-kiina dhuuntee, Dhuumaalaysi aqaladda,
Kolba meel dhukusayee,
Dhibta uu tolkii qabo,
Ceeshka dhaaf-sanaayee, Misna dhaar ku marayee, Nabad aan dhul-kaba jirin, Dhicisawday waa hore,
Dhux-dhux beena dhurayee,Gudi dhaarsan baan nahay,
Waxan jirin ku dholalaw,
Way dhaaftay wakhtigaa,
Dul-qaad naga dhamaayo, Hadda dhabaqday xaajee,
Waa keena dheeliya,
Dhaaxaad kibraysee,
Dhulka joog aad diidaye,
Durba sidda dhalaankii,
Qaylo dhaantu waa maxay? Waxad soo dhadhabaysaa,
Baaruud dhacay-siyo,
Qoraa noo dhexeeyee, Dharaqaanka iga daa,
Waxba dhawrsan maayee, Cirku muu bal soo dhaco, Dhulka laysku dumiyoo, Dhamaan-teed aduun-yadda, Dhanka bal laga rogo,
Ninkay dhay ka qubatiyo,
Kii geelu ugu dhallo.
Waa inoo dharaar dhaw,
Dhafoor taabad weeyee,
Dhimashaan ka door biday,
Waxaan ii dhadha-mahayn.
Ee hadal maalin dheregaw.
Ummadda reer somaliland waxanu u sheegaynaa, ma jirto beel ama reer oo aanu duulaan ku nahay haba-yaraatee, xaq iy cadaalad, sinaan, wadda jir iyo dal iyo dad mid ah, oo loo siman yahay baanu rabnaa, sidaas awgeed, qofkii,kooxddii ama beel kastaay aday ku jirtaa dhanka aad raacayso, diyaar baanu kuu nahay, dul-qaad iyo waan-waan raadin aanu cid ka sugaynaa yaan loo fadhyin. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, garxajis go'aan buu gaadhay, maanta maalin uu iska raacsan yahay ma jirto in ka badan 97%, waxanu diyaar u nahay in aanu u dhimano sharf-tayadda, dibna uga noqon maayo oo waa " Shul ama shul" Haddii aanay wax-ba naga hadhayn iyo haddii kale-ba, maanta noogama dambayso, mana dhici karto in ay afar biidhi qaatayaal ahi, oo iyaku calooshoodda uun u daneeyaa iyo wax gawska geliyaan, ay ka taliyaan madsiirka-yaga. Waxan ku soo af-jaray qoraalkan ugu dambayn, waxa loo kala baxayaa " Bur iyo biyo" dib la isu huursan maayo, ee is cadee, ma ay soconayso laba wejiila-nimo damba'e.
* N.B Ninkay Dhay Ka Qubatiyo, Kii Geelu Ugu Dhallo, Waa Inoo Dharaar Dhaw.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!