Dadka Luma, Kufa Oo Kaca Taariikhda Ma Duugawdo 26-06-1926.

0
Saturday June 29, 2019 - 08:12:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Luma, Kufa Oo Kaca Taariikhda Ma Duugawdo 26-06-1926.

    Anigu waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah isla markaa jecel muslimnimo iyo Somali oo dhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigu waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah isla markaa jecel muslimnimo iyo Somali oo dhan.
Goonni usu taagga Somaliland na boqol kiiba boqol taageersan maxaa WACAY Allah wuxuu ina tusay in qofku markuu dhasho muddo aanuu fadhiisan karin hadana markuu fadhiisto muddo aanuu istaagi karin hadana markuu istaago hadana markuu istaago muddo aanuu Socon karin hadana markuu socdo muddo aanu carari karin hadana markuu cararo muddo aanuu cid raaci karin hadana markuu cid raaco muddo aanu dhaqaale iyo Siyaasad garan karin hadaba dawladnimo waa sidaa qof kaas oo kale. Waxay ahayd in dawladnimadeenu markay dhalatay inay gurigeeda ku barbaarto oo ku korto ITAAL kasta ha lahaato.


Djabouti ku tusaale qaata gurigeedii yaraa Bay ku kortay oo dawladnimo ku fahantay inagu a ILAA maanta Suaalaha la isku maan dhaafsan waxaa ugu horeeya wadanka miyaa la wada leeyey mise waa la Kala leeyahay, sharciga iyo Distoorka Madaxweynuhu miyuu ka sareeyaa mise wuu ka hooseeyaan oo dadku la mid yahay, 26 Juun 1960 ma maalintay dawladnimo helay baa mise Dawlad nimo waxay nu helay 18 MAY 1991 iyo Suaalo badan oo noocaasi ah ayaa inagu dhex wareegay a oo ay aan kala fahmin Dawlad iyo shacab a hadday aan inagu kala fahmin a Caalamka kale a ma kala fahmi karo Ictiraaf na kuma yimaado qadiyadda Haddaynu bislayn weyno oo si wacan gar cadaawe ugu kala qaadi kari weyno labada Ayaamood ee labadaba TAARIIKHDEENA ka mid yihiin. Haddaan anigu eegay 26 Juun wey inagu hoos dulmantay waayo qof soddon jiray ma dhali karo qof lixdan jiray laakiin 26Juun ayaa dhashay 18May taasaa la fahmi karaa oo Ictiraafkii ku dhex jiraa.

26 Juun waxay xabaarsantay Suugaan heeso dareen Ummadeed oo soo koobaya xuduudaha Somaliland oo dhan oo dadka is jeclaysiinaya 18 MAY waa maalin weyn oo ah lasoo noqoshadii 26 Juun ee aynu kufnay. Markaa Xukuumaddu ceeryaamada ha ka dhex baxdo oo labada maalmood ha u kala xaqsoorto haddii kale WALLEE LUMID KALE AYAA INAGU SOO FOOLLE.

MBASHE 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...