Taariikhddii Mujaahid Cabdiqaadir Koosaar ( Qasybtii 4aad)!

0
Sunday August 06, 2023 - 11:27:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhddii Mujaahid Cabdiqaadir Koosaar ( Qasybtii 4aad)!

    * Mudo Markuu hayey ee ay hir-gashay S.N.M, Tii SDF

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* Mudo Markuu hayey ee ay hir-gashay S.N.M, Tii SDF



Weli waxan ku gudda jirnaa sooyaalkii A/qaadir koosaar (IHN), waxan hore jeeniga ugu soo dhufanay sadex qaybood, tanina waa qaybtii afraad ee kala qabso halkii aan ku joojiyey qaybtii 3aad, waana tane ku soo dhawaw:-


 

* Sidaas aan qaybihii hore ku soo sharaxay buu ku dhisay, isaga oo ka hor qaaday jalaafooyinkii iyo qabtii uu u daadiyey Umula-dooxa sare aan ku carabaabay, marxuumkuna (IHN),uu kunoqday aasaasihii jabhad shaqaysa oo dagaal gasha, ilayn waa nin ka soo shaqeeyey, Gini-Bisaw, Moosambiik iyo wadano kale oo ku yaal Afrika'e sidda Angola. Markan xoog bay yeelatay jabhaddii oo saraakiil fara badan, oo aad wadda garanaysaan baa ku soo biiray, ilaah ha u naxariisto intii dhimataye, inta noola khayr ha ka siiyo'e, oo soo buux dhaafiyey, maalin-ba-maalinta ka damabysa, iyo Shicibka ( gaas dhogoolayaal, Geel-jire) oo qaybka qaatay, iskuna xidhmeen gude, debed iyo qurbeba.



 

* Mudo Markuu hayey ee ay hir-gashay S.N.M, Tii SDF ee Umula dooxiina, ay dib ugu wadda noqden af-lahaar iyo somaliya, ee uu askri qudha waayey, baa Mingiste Jeelka dhigay Umula dooxii Ina yuusuf, oo uu yidhi waxad ka sheegaysay S.N.M beentaa bay ahayd, ee wixii ay iyaku i sheegeen ba dhab ah, waa kaa dadkii aad wadatay dib u galeen, iyaka oo aan wax dagaal ah keligood qaadin, Ciidan Itoobiyaan ah oo la socda mooyaane.


 

* Ilaah Marxuun/Mujaahid Cabdilqadir Koosaar naxariistiisa haka waraabiyo'e, isaga oo dhan walba ka dhisay, Jabhadda, oo ay xoog iyo maamul leedahay, mar kasta oo ay dagaal soo qaadoba ka guulaysata Afkii iyo ciidankiis Afrikadda Madaw ugu xooga badnaa, aag kaste Ciidan jabhad ah u yeelay, isku duba dhacday buu ku wareejiyey, Madax-weynaha hadda Somaliland ee Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo).


 

* Markii uu ku wareejiyey Mujaahid Cabdilqaadir hogaamintii Siilaanyo, wuxu noqoday misana mid-ka-mid ah maamulkii sare ee Jabhadda SN.M, isaga oo gacanta ku hayey xidhiidhka hubka ee ka dhexayn jiray Jabhadda iyo Maamulkii Mingiste Xayle Maryan, iyo Cilaaqaadka lala leeyahay baraarujinta dadka, isaga oo abuuray Jabahad hawiye ah, si ay uga dagaalamaan Goboladda dhexe, oo aanay ugu suuro gelin af-lahaarkii ilko-weyne, in uu soo dhaafo Goboladda dhexe.


 

* Waxa Nasiib Daro ah, In hubkii uu u siiyey Hawiye in ay ku dagaal galaan, wakhtigii uu ahaa Cabdilqaadir Hogaamiyaha Jabhadda S.N.M, in ay isku qabsadeen, intay laba u kala jabeen, ka dibna Madax-weyne Siilaanyo oo markaa hayey hogaanka Jabhadda S.N.M uu Cabdilqaadir iyo Gaariye ilaah labadaba naxariistiisa haka waraabiyoe uu u diray si ay u soo dhexdhe-xaadiyaan.


 

* Hadaba markii ay tageen Marxuum Cabdilqaadir iyo Marxuum Gaariye, meeshii ay ka taagnayd Mush-kiladu oo ayhayd Mustaxiil ( Kiilka shanaad), arinkiina ay dhex galeen, oo ay wadaan heshiisiin, labadda kooxood ah ee isku haya hubka, baa galab isaga oo ku tukanaaya Salaaddii Maqrib Daarad guriggii ay seexanayeen, oo ka samaysnaa aqal somali, daradda ka soo toogteen, isaga oo ragcaddii ku jira, ilahaa cadaabta haku rido'e, Marxuum Gaariyana oo Garab Taagan yahay, halkii buu ku Shahiiday, ilaah janadda ha ka waraabiyo'e oo lagu aasay, taas oo taariikhdu maalin-taasi sheegayso 12/07/1987, oo sidaan hore u soo sheegay 36 sano laga joogo.


 

* Marxuumku wuxu ka tegay, waa sidda ay u kala weyn yihiin sidda ay u kala horeeyaane:-

 

(`1) Hodan Cabdilqaadir Koosaar,

(2) Hibaaq Cabilqaadir Koosaar ( oo ku geeri-yootay Hargeisa shil baabuur).

(3) Koosaar Cabdilqaadir Koosaar,

(4) Dhudi Cabdilqaadir Koosaar,

(5) Amal Cabdilqaadir Koosar, iyo Ugu Dambayn Xaas-kiisii oo ah Sahra Maxamed Cajeb.


 

* Waxan ku soo xidhay Maqaalkan, ahna qaybtii ugu afraad, ilaah janadda ha ka waraabiyo isaga iyo intii inoo dhimatayba'e, kuwaas oo Calanka maanta aynu nabadda ku hoos noolahay inoo soo dhiciyey, ka dib markii aynu si yar oo fudud, nimankii Calanka keenay Lixdankii, ay iyaka oo micnihiisa garanayn afka ka geliyeen, wuxuushta reer koonfureed, ee sidda geedaha isu daaqaaya, Mujaahidiin-taas oo naf-toodda u huray in ay inaga badbaadiyaan, taladdii ay goosteen koonfuri in ay in ay inagu dabar jaraan, u soo akhriya Faataxadda iyo quluwalaa, in daayin siiyo abaalkii ay inoo galeen, inta noola ha ka siiyo khayr iyo barako'e.


 

* Waxan ku soo gabaga-beeyey qoraalkan, oo aan ka codsanyaa dhamaan Ummadda Reer Somaliland, Meel ay joogaanba, in aan raadinayo dhamaan Taariikhihii Mujahidiintii S.N.M ( Kuwa Nool iyo Kuwii shahiidsayba), oo ay ka mid yihiin:-


 

* Lixle, Maxamed Cali, Ina Habane, Koodbuur, Haybe laambad, Maxamed Mooge, Harag waafi, Xasan Kayd, Ina Sleebaan Weyne, Jaamac Cali Jaamac, Adaan shiine, Xuseen dheere, Ina askar, iyo intii kale ee aan ilawayba, wixii hayaa taariikh-doodda in ay iigu soo diraan, [email protected], iyo maalmihii ay shahiideenba, laga sooo bilabo halkii ay ku dhasheen, wax-barashadda ka bilaabeen, ilaa iyo maalintii tii alle ku timi, si aan halkan uga soo dayno, waana mahadsan tihiin.

 

Dhamaad.

 

Qore:- A. J. Ahmed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...