Buurta hadday galeen, waaba tudhaale.

0
Sunday August 06, 2023 - 11:16:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buurta hadday galeen, waaba tudhaale.

    Hadday sii socoto siyaasadda Kulmiye ee dhegaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadday sii socoto siyaasadda Kulmiye ee dhegaha


Ragga buurta gacan libaax galay waxay mudan yihiin in tudhaalahooda la garto looguna mahad naqo. Way cadhoodeen laakiin waa muraaradilaac miyir qaba, waxayna ka fogaadeen naxdinta haweenka, baqdinta carruurta iyo werwerka waayeelka.


 

Waxaan soo xasuustay tusaalihii ugu yaraa oo ka mid ah silicii ay maatideenu soo martay, mid ka mid ah isdiidooyinkii danaha qabyaaladda iyo siyaasadda ee ragga. Waa qax kii igu dambeeyey Soomaalilaan, waa gabadh umul ah oo ilmihii ugu dambeeyey ( iyadoo ay siddeed carruuri hore uga baxeen, toddoba kalena u nool yihiin ) ku dhashay daarad ka mid ah dhulkii ay qaxoontigu wadhnaayeen, way dhaxamoonaysey markii ay daal iyo dhiig bax Ka dib weydey koob shaah ah oo ay isku kululayso. Goor ay fiid dambe tahay ayaa qof dumar ahi u keentay calool karsan oo qabawdey. Umushii markay hudhmo weyn afka gelisey way ku mergatey. Waxay u mergatey ma garatay?



 

Guddoomiye Samatar wuxuu soo jeediyey hadal gar ah iyo in sawirka guud ee danwadaagta Soomaalilaan la eego, inkastoo aan jeclaa in uu hadalkiisa ku bilaabo in uu tanaasuli karo. Goobtii iyagana Ururada su'aalaha lagu weydiinayey oo madal kale ahayd, in ay ka maqnaadaan hoggaanka ururka Kaah waan bogaadinayaa. Ururadu waxay ka mid yihiin khilaafka taagan maanta.


 

Madaxweynaha ha saamaxaan maamuladii iyo Afartii madaxweyne ee isaga ka horreeyey iyo weliba raggii in la doorto isaga doorka libaax ku lahaa inta ka nool. Madaxweynuhuna Alle ha ka saamax dalbado hadalkii ahaa " fartiina ayaad eedi doontaan. " Illaahow miyaanu eednay?


 

Hadday sii socoto siyaasadda Kulmiye ee dhegaha la' iyo saansaanka hoggaan qaad ee Siilaanyo + Muuse, Maxamed K + Samaale, Maxamed C + Xinnif = 0. Sidaa la idiinku ciyaari maayo ee dumarka buurbuuran ee Kulmiye soo badsada.


 

Ugu dambayn sida loogu riyaaqay doorashada Guddoomiyaha Wakiilada mudane Faratoon, Illaah ha inooga dhigo muftaaxii nabadda iyo midnimada.


 

Shaashowdey bilicdii, ban martoo la garanwaa, badhxantoo la maydhaan, waxa lagu ballaysimay indho buuryo gooyseed.


Buurnaantu muuniyo, barkhad kaydsan ma ahee, barar tows ah weeyaan, bugtadiyo xanuunkuna haddaan baadhay waa ciil. Marxuun, macalin Hadraawi.

 

Bashiir Tarabbi Oogle,

Hargaysa, Soomaalilaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...