Muuse Biixi Oo Saraakiil Garxajisa Xabsiga Utaxaabay & Sababta

0
Sunday August 06, 2023 - 11:20:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Saraakiil Garxajisa Xabsiga Utaxaabay & Sababta

    ''Waxaa kale oo xog aan ku helay in xukuumadu qorshaynayso dagaal ka dhan dhaliyarada buurta gashay''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Waxaa kale oo xog aan ku helay in xukuumadu qorshaynayso dagaal ka dhan dhaliyarada buurta gashay''


 


Hargaysa (HWN) Muuse Biixi ayaa xabsiga utaxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland oo dhamaantood ka soo wada jeeda beesha Garxajis, sida uu sheegay Xildhibaan Mohamed Jama Koodbuur oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

 

Saraakiishan ayaa waxaa kamid ah hogaankii isgaadhsiinta ciidamadda Badda kornayl Axmedyasiin Awfarax.

 

‘’Waxaa isoo gaadhay in  maalintii 23aad xidhanyey Hoggaankii is gaadhsiinta ciidamadda Badda S/land kornayl Ahmedyassin Awfarah .

 

Axmed waxa la xidhay maalintii Buurta Gacan Libaax ay jabhadu ka hadleen.

Axmed waxa lay sheegay markuu 5 cisho jeelka wayn ku jiray in reerkiisii ogaaadeen   ilaa maanta na maxakamad aan la hor keenin.

 

Axmed waxa uu u xidhan yahay 2 Sarkaal oo  isaga ka darajo hooseeya oo kala ah  Kanadi iyo Cali Xasan.

 

Midda kaliya ee ay u xidheenna uu yahay shirqool iyo in uu nin Garxajis yahay oo aanay ka amar qaadan doonin, maadaama oo reerkiisu qarandumis yihiin siddee loogu aamini karaa xilka ay qiil ka dhigeen, waa amuur kale oo xasuustii 1984-88 dub inoogu celinaysa.

 

Tiraba 22 nin oo xilal ciidan oo ka la duwan ka haya xukuumada, Muuse dhammaantoodna Garxajis ah baa la ii sheegayaa inay xidhay yihiin tan iyo Maalintii  warka buurta Buurta Gacan Libaax soo baxay.

Waxaa kale oo xog aan ku helay in xukuumadu qorshaynayso dagaal ka dhan dhaliyarada buurta gashay ee aanay daacad ka ahayn wada hadalada inta damiirka leh ee dalka u tudhaysaa wado.

 

inna rag walaal waxuu ku dhaamo lawaa weli kama ay dhaadhin inta tallada haysa se" ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xildhibaan Mohamed Jama Koodbuur


Loading...
Loading...