Gabadh Lagusoo Daray Liiska Wasiirrada Ee Saacado Kadib Laga Saaray Iyo Muranka Ka Dhashay
Madaxweyne Bola Ahmed
Tinubu ayaa meesha ka saaray magaca Maryam Shetty oo ah qofka baarlamanku ay
ansixin lahaayeen wasiirnimadeeda iyadoo lagu badalay xubno kale.
Guddoomiyaha aqalka
sare ee senate-ka, Senator Godswill Akpabio ayaa arrintan ku sheegay warqad uu
madaxweynuhu u diray aqalka oo uu ka akhriyay fadhigii maanta.
Magacyada labada qof
ee uu Madaxweyne Bola Tinubu u diray Aqalka waxaa ka mid ahaa Festus Keyamo iyo
Dr. Maria Mairiga.
Sababta keentay in
magaca Maryam Shetty laga saaro liiska wasiirada la doonayo in la ansixiyo
ayaan weli la shaacin.
Wararka ayaa sheegaya
in saaka aroortii ay xarunta baarlamaanka isugu soo baxeen koox dad ah oo kasoo
jeeda Kano si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan xilka wasiirnimo ee loo
magacaabay Maryam Shetty.
Arbacadii,
Madaxweynaha Nigeria, Bola Ahmed Tinubu ayaa soo diray liiska labaad ee
magacyada dadka uu doonayo in Baarlamaanka Qaranka uu tixgeliyo.
Shaacinta bedelka
Maryam Shetty ayaa dhalisay doodo badan oo dhanka baraha bulshada ah taasoo
lagu muujinayo in ay mudantahay isla markaana ku haboontahay.