''Muuse & Ina Kaahin Halaga Ilaaliyo Inay Bushaaro Ku Sawiraan Shirka Kulmiye Ee Burco''
Hargaysa (HWN)
Aqoonyahan Cabdiraxmaan Abees ayaa soo
jeediyay in Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin laga ilaaliyo in shirka Kulmiye ee
bishan aynu ku jirno qorshaysan in uu ka dhaco Magaalada Burco laga ilaaliyo in
ay ku sawiraan Bushaaro Baanday.
"Shirka Xisbiga
Kulmiye ee Burco ka dhacaya 20-ka bishan ha laga ilaaliyo in ay Ina Kaahin iyo
Ina Biixi Bushaaro Baanday ku sawiran, oo ay u qafaashan. Qofku marka uu xidhan
yahay wax badan baa uu u dayacan yahay oo xog la’aantu keento. Xoog iyo
xeeladba waxa ay hadda ku maqanyahiin sidii ay gabadha bulshada inta garab
istaagtay ay ugu wanjali lahaayeen.
Keligii taliyaha iyo
inta jeceli sidoodaba haybada iyo karaamada dadka kale waa nacabyahiin." ayuu
yidhi Cabdiraxmaan Abees.
Bushaaro ayaa
saddexdii bilood ee ugu dambaysay ku xidhnayd magaalada Hargaysa, waxaanay
uxidhantahay Wiil uu dhalay Muuse Biixi, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan
Golaha Wakiilada Somaliland.


0 





