Ciyaaryahan Soomaali Ah Oo Ka Hadlay Heshiis Uu U Saxeexay Kooxda Liverpool Ee Horyaalka Yurub
London(HWN):-Ciyaaryahan Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdi Shariif ayaa heshiis u saxeexay kooxda ka ciyaarta horyaalka dalka Ingiriiska ee Liverpool.
Ciyaaryahankan ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa facebook waxa uu kaga hadlay heshiiska uu u saxeexay kooxda Liverpool, isaga oo shaaciyey inuu saxeexay heshiis dhigaya inuu sadex sanadood u ciyaaro kooxdaasi.
Ciyaaryahankan Cabdi Shariif ayaa qoraalka uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu u dhignaa sidan:-
Alxamdulilah ilahayba Mahad iska leh marka kowaad.
Marka labaad waxaan u maanta heeshis 3 sano Ah u sexeexay Kooxda champion haysata ee Liverpool oo ka mid ah kooxaha ugu awaada badan Europe.
Marka 3aad waxan leyahay umada somaliyeed dhamaantiin waan idinka mahad celinaya Taagerada aad ii mujiseen waxa kaloo idinka codsanaya in page-kaygan oo ah kii saxda ah aad like ii saartan caawa iina share garaysan. qofka waxa soo saara wadankiisa meeday soomaliya caawa waan idin sugaa dhamantin thanks