Madhabaa In Uu Iscasilay Taliye Dabagale?

0
Wednesday August 02, 2023 - 11:34:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madhabaa In Uu Iscasilay Taliye Dabagale?

    ''Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya''



Hargaysa (HWN) Taliska Booliska Somaliland ayaa beeniyay warar sheegaya in uu iscasilay Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi.

 

Qoraalkan hoose ayuu Boolisku ku beeniyay warkaasi:-

 

Beenin warar been abuura .

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin, tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga  JSL .

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya, waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo.

 

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL .


Loading...
Loading...