Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Aanu Shaacin Ku Magacaabay Laba Taliye Ku Xigeen Oo Ay Isku Deegaan Yihiin.

0
Friday June 28, 2019 - 17:16:44 in News by
  • Visits: 12904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Aanu Shaacin Ku Magacaabay Laba Taliye Ku Xigeen Oo Ay Isku Deegaan Yihiin.

    Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Aanu Shaacin Ku Magacaabay Laba Taliye Ku Xigeen Oo Ay Isku Deegaan Yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Aanu Shaacin Ku Magacaabay Laba Taliye Ku Xigeen Oo Ay Isku Deegaan Yihiin.


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay laba masuul oo ka mid noqonaya xukuumadiisa.


Madaxweynaha ayaa digreeto uu soo saaray bishii May balse aan la shaacin waxa uu ku magacaabay laba taliye ku xigeen ugu magacaabay ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo ilaalada xeebaha.

Image result for madaxweyne muuse biixi


Warar rasmi ah oo ay Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegay in Madaxweynaha somaliland uu taliye ku xigeenka ciidamada ilaalada madaxtooyada u magacaabay Gaashaanle Maxamed Shabcaan oo ka soo jeeda deegaankiisa halka uu taliye ku xigeenka ciidanka ilaalada xeebahana u magacaabay Gaashaanle Dhexe Cali Xasan oo isna ka soo jeeda isla deegaankiisa.


Labadan taliye ku xigeen ayaa toos ah u bilaabay hawshooda ka dib markii magacaabistii madaxweynaha, ilaa hadana ma cada ujeedada ka dambaysa in madaxweynuhu aanu soo bandhigin digreetada uu ku magacaabay labadan taliye ku xigeen.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...