Nuxurka Heshiis Ka Kooban Shan Qodobo Oo Ay Wada Gaadheen Dawlada Federaalka Ah Iyo Maamulka Galmudug
Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Ka dib wada hadaladaasi ayaa la soo bandhigay natiijada kulankaasi, iyada oo la shaaciyey qodobo ay ku heshiiyeen raysal wasaare Khayre iyo madaxweyne Xaaf.
Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedka Galmudug.
Labada dhinac ayaa wada hadal iyo falanqayn ka dib isla qaatay qodobadan.
1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii
Juun, 2019 loogu sameeyay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.
2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra'iisul Wasaaee Khayre waxa ay isla garteen in la
dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si
loo helo Galmudug mideysan.
3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aaddan arrimaha
dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha
Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay'adaha
amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay
si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.
5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee
Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee
bulshada Galmudug.