Jabhada Gacan-libaax oo Degaanka Jidaali ee gobolka Sanaag Gaadhi ka Afduubay.
Hargeysa (HWN) Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruse oo ka
mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in Jabhada Buurta
Gacan Libaax gaadhi xaajiyada oo rakaab saran yahay ka afduubtay degaanka
Jidaali ee gobolka Sanaag.
Xildhibaanu waxa uu
intaas ku daray in gaadhigan oo rakaab ka soo qaaday magaalada Ceerigaabo ee
xarunta gobolka Sanaag uu u rarnaa degaanka Yube ee barriga gobolka Sanaag,
waxaanu xusay in niman dhallinyaro ah oo qorya sita ay gaadhiga joojiyaan, isla
markaana ay ka dejiyeen rakaabkii saarna sidaasna ay ku kaxaysteen.
Gaadhiga ayaa shalay
12:00 duhurnimo ay jabhada Buurta Gacan-libaax gashay ka afduubeen degaanka
Jidaali, majirto ilaa hadda wax wara oo ka soo kordhay sida uu xildhibaanku
golaha iyo warbaaintaba u sheegay.