Gudi Isku Xilqaantay Daminta Colaada Jabhada Gacan Libaax Oo Kulama La Qaatay Mucaaradka & Muuse Biixi.
Hargaysa (HWN) Gudiga
iskood isku xilqaamay ee xalinta dagaalka u dhexeeya Jabhada Gacan-libaax iyo
ciidanka Booliska ayaa kulamo la yeeshay Madaxwayne Biixi, Murashax Cirro iyo
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay kala hadleen sida ugu macquulsan ee hawshaa
loo dhawayn karo.
Gudiga oo markii hore
ka koobnaa 7 xildhibaan ayay ku soo biireen Gudoomiyaha golaha wakiilada
Faratoon iyo ku xigeenkiisa 1aad Giire, waxaanay goor dhow la kulmayaan
wasiirka Arimaha gudaha oo ay isagana kala hadlayaan xalinta dagaalkan u
dhexeeya Jabhada iyo Xukuumada.
Jabhadan ayaa hayb
ahaan ka soo jeeda Beesha Garxajis kuwaasi oo sheegay inay ka goodiyeen
cadaalad daro ay ka tirsanayaan Xukuumada Muuse Biixi.
Waxaana jira dagaal
shalay gelinkii dambe dhex maray jabhada iyo ciidanka RRU-da inkasta oo aan la
ogayn khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay.