Xikmad La Noolow
Xikmada ugu weyn ee Alle SWT inoo keenay ifka waa isaga garashadiisa iyo caabuditaankiisa, ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo raacida sunnaha Nabiga
1: "Saaxiibtinimada ugu dhibka badani, waa ta uu ruuxu la saaxiibo naftiisa.”
2: "Marka aad aragto qof kaaga sheekeynaya xumaanta ay dadku ku sameeyeen, waxa uu kuu dirayaa farriin ah 'haka mid noqon dadkaas'."
3: "Ha isku dayin in aad ku guulaysato dood kastaba, mararka qaar in aad qalbiyada hanato ayaa ka mudan in aad dooddaha hanato."
4: "Haddii aad dadka dhinaca xun ka eegto oo aad u raadiso, waa hubaal in aad u helayso."
5: "Ha kala hadlin dadka dareenkaaga; Waayo, dadka qaar ma fahmayaan luuqadaas. Kula hadal caqliga iyo qalbiga; sababta oo ah, qof waliba ma laha qalbi kaaga oo kale ah, dadka oo idilna ma laha caqli kaaga oo kale ah."
6: "Noloshu duruus bilaash ah cidna ma barto, marka aan ku leeyahay 'waayaha ayaa wax i baray', ogow in qiimaheeda aan bixiyey."
7: "Haddii biyuhu hadlayaan waxa ay ku odhan lahaayeen dad badan, qalbiga maydha ka hor inta aydinaan jidhka maydhin."
8: "Haddii wax kasta oo aad akhrido rumaysanayso, waxba ha akhriyin."
9: "La wadaag dadka aqoontaada; waa habka lagu gaadho nolol weligeed ah."
10: "Noloshu horumar la'aan waa niyad jab; shaqo la'aanna waa caajis iyo caloolyoow; go'aan la'aanna waa doqoniimo; dedaal la'aanna waa hoosayn iyo liidasho."
Aqriste Xikmadee ka heshay tobankan xikmadood.nalawadaag mahadsanid ?
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh Farmaa Abdalla
Jion us Anwar Mohamett .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!