50 MAAHMAAH OO BANAADIRI AH

0
Sunday July 30, 2023 - 17:16:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 5252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    50 MAAHMAAH OO BANAADIRI AH

    Mundul ninkii dhisayaa kaweyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mundul ninkii dhisayaa kaweyn


__________________________________________

1- Canjeero sey u kala koreysaa loo kala qaadaa

2- Luuq luuq maroow laasim laamigaas imaahaa


3- Ishiis laga arkaa ushiis lagu tumaa

4- Mundul ninkii dhisayaa kaweyn



5- Wareer cawo waa loo waaberiistaa

6- Nimaan jiifka ku xaarin jiro ma heeso


7- Meel libaax soo galay lo' ma joogeyso

8- Maseeroow moos batiiq waaye


9- Adduunyo adoogaa hakuu jilciyo adna ku joog-joogso

10- Bun haddii la waayo beddelkiisaa la helaa


11- Adduunyo kaa iilatay looma ooyo

12- Ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa


13- Keligaa waalo wareer waaye halagula waasho wanaag waaye

14- Waaw ninkii dhaho usaa laga warsugaa


15- Balaayo ku haysato abow abow ma looga baxo

16- War la uunba uunbeeyo washkaxaa karoon


17- Lagu xanto lagu xasuustaa ka horeyso

18- Intii baal leh waa buubtayee aay dooro maxaas daari


19- Dooli bood boodkiis mukulaal xanaaqeed waaye

20- Luquntaada oo lagu murmo laqbado waaye


21- Muufo majiiji canjeero haku quus qaadatee

22- Musbaax minankaa u baahan minan dadoow mala geeyo


23- Nin adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban

24- Banaankiis maroow maradiid geed ma qabsato


25- Dabbaal haddii la dadaboolo lugahaa laga kasaa

26- Sabuul galley ninkii ku siisto aa la siistaa


27- Faataxa ku dhashe faataxo ma diido

28- Meel dooro joogto duur ma ahan


29- Sac madow wixii caanihiisa caddeeyey cibaaro lee maahinoo

30- Mukulaal mininkeed joogto mici libaax ayey leedahay


31- Ninkii dagaalkaa rabo dooraada iga cesho aas ku dhahaa

32- cimrigaaga oo raago geel dhalaayuu ku tusaa


33- Ban dhul ku dhacay waa ballaartaa

34- Abkeey dooli diloow dad nool maas u daahaa


35- Dooro mininku xaarxaarti wax loo yeelyeelay le waaye

36- Bajiyo aan basbaas laheen bilaash waaye


37- Meel kasto ka muuqo waalagu muuno beelaa

38- Minii la yaabo yaasiinka


39- Beec mushtar bilowgiis bur iyo bajiye lee ma ahoo

40- waa la kala leexiyaa liin iyo caano


41- Muslim dhiboow maqribkaas dhintaa

42- Baabuur qabow jinni qaboow


43- Lama iyaaka dhexdooda nacbudu aa ku jirtaa

44- Lama goos dhexdiis daango maku barido


45- Buuma kaa weyn jinkaa ma ahan

46- Mininkey iiga bax iyo maalkey isii meel loo moodo maleh


47- Dooro degdegsiimo kuma dhasho

48- Balaayo buulkaagaa looga jiraa


49- Kadaloob kuunto wedkeed waaye

50- Daahine hortiis dafanaa joogo


Waxaa soo uruuriyey: Mustaf Awil Hassan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...