Kenya Maxay Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya In Soomaaliya Kaga Gacan Sarayso Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa?

0
Friday June 28, 2019 - 16:24:55 in News by
  • Visits: 2315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Maxay Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya In Soomaaliya Kaga Gacan Sarayso Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa?

    Kenya Maxay Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya In Soomaaliya Kaga Gacan Sarayso Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Maxay Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya In Soomaaliya Kaga Gacan Sarayso Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa?


Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya Monica Juma oo wareysi gaar siisay BBC-da ayaa sheegtay in kiiska badda ee Soomaaliya uu yahay mid aan adkayn.

Monica Juma iyo Cawad


''Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyo oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay oo ay iyada ku gacan sareyso kiiska maxkamadda, laakiinse inaga taasi ma aaminsanin, sababtoo waxaan haysanaa kiis dhan walba ka adag, balse ma rabo in aan ka hor dhaco,'' ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibedda ee Kenya.


Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiiradda sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda ku orodday ka hor intaanba wax la'is weeydiinin.


''Somaaliya iyadoon cid kaleba la hadal ayay markiiba maxkamad tagtay oo ah halkii ugu dambeysay mana aaminsani in taasi ay keeneyso xal waara'', ayay tiri Monica Juma.

Loading...
Loading...