Nooloow Mayor Cidin

0
Friday June 28, 2019 - 16:25:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nooloow Mayor Cidin

    C/Shakur Cidin maayarka Berbera waa maayarka maayarada Jamhuuriyadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/Shakur Cidin maayarka Berbera waa maayarka maayarada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waa halyeey qaran oo ka soo baxay waajibaadkiisii shaqo ee loo igmaday. Waa shamac ka dhex ifaya dalka jamhuuriyadda S/Land.

Maayar ku sheegga Burco ee sida qaawan u weeraray Maayar Cidin waa ciroole baaqday oo xiqdi iyo buqdi dhaamiyay, waayo personal attack ayuu ku sameeyay shakhsiyadda maayar Cidin, wuxu meel kaga dhacay xuquuqda aadaminimo ee maayor Cidin.


Baroortu orgiga ka wayn ee ma deegaamayntii boobka ku dhisnayd iyo xaaraanta ee ka socotay Berbera qarnigan ayaa lagu qoonsaday maayarka.

Wuxu ku sheegay Berbera in ay tahay tuulo 4000 oo qof degan yihiin oo aanba u qalmin in ka shaqaynteeda lagu faano.
Adeer ninka tuulada waajibkeedii shaqo ka soo baxay ayuun baa magaalooyinka waawaaynna wax ka qaban kara.

Waxan ku soo koobayaa hadalkayga dawladu sharci ha u samayso xakamaynaya oo uu ciqaab ku mudan karo kuwa xasaanadii qaranka JSL iyagoo huwan xagxaganaya muwaadiniinta dhigooda ah xuquuqdoodana meel kaga dhacaya.

Waxan leeyahay Maayar Cidin nooloow Ilaahayna hakugu garab galo shaqadaas culus ee aad dalkaaga iyo dadkaagaba u hayso aamiin aamiin

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...