Dul-Qaad Waa Inta Xumaan Loo Samri Karo ( Abdi-Shotaly).
Xikmad somaliyeed baa
tidhaaha " Nin is waalaba waabiyaa hela" imika bay taagan tahay, ee
wakhti yar i siiya aan idiin fasilo'e. In badan baa maamulka askarta "
Xaafad-Tooyadda" Ee ka bacbac-leeya Guriggii Moorgan ee Hargeysa, la lahaa
wax bedela, oo joojiya xad-dhaafka, gar-darradda, cadaadal xumidda, sinaan
la'aanta, iska hor-keenka ummadda, beello gaara la colawga iyo kala qoqobka aad
dalka iyo dadka dhex-dhigay-saan, dhul boobka, hantiddii la wadda lahaa iyana,
oo ay ku ceeshto in yar oo iyaka ku xidhini, oo dib ugu soo noqdda
distoorka,wadda jirkii iyo waxa wadda lahaan-shihii dalkan lagu dhisay sidan ku
socon mayso'e, lagala quustay wax maqal in ay ka sii daraan mooyaane, oo
labadan askari ee doqon-nimadda, maskax xumidda iyo macangag-ninaadda ku heshiiska
ahi, ay iska dhego mareenyeen dhawaaqa shacabka, is bideen wax aan la loodin
karin iyaka oo aan wax-ba ahayn.
Horey somalidu u
tidhi " Doqntu Haday gar qaadato waa lagaa adkaaday" Bay is
tidhaahaaye, ee shaw kuwan bay sii ogaayeen, ooy sir iyo caad-ba wax ugu
sheegeen, dul iyo hoos-ba waax-yaha ummadda, ee kala duwani qayb kasta oo ay ka
soo jeedaan-ba ku xiiqeen, haday tahay, Culumo, madax-dhaqmeedyo, ganacsato,
xusbiyo, dhamaan ururadda bulshadda oo nooc ay yihiin-ba aan u kala hadhin,
siddii loogu soo dabaali lahaa degenaansho iyo nabad ka talin. Akhristaw hadal
isaga baa iska badane , Ina Cabdi-dameer waa " Raggii ma adigaa ka hadhaye
Iyo askariga kale, ee siddii daba-geliskii awrta la isugu xidhi jirey ku
xidhiidh-sani waxaas oo dhan dheg way u jalaqsiin waayeen. kana sii qaadeen
kibir, ku jiqsii, ku cariigso, iyaka oo is biday awood.Horaa loo yidhi "
Markay kadan tahay bay Alle taqaanaaye" Halka hoose ka akhri waxa hadeer ay la kulmeen. Wakhtigu waa Giraan
wareegaysa, oo midabo badan, leh duruufo kala duwan, ee haduu dabadda u soo
jeediyey askartii caanaha ku dabaal bartay, oo siddii duqsiggii ay fuud kulul
daf yidhaaheen. "Kabash-kabastu iyo Ergo diristu" Waa maxay weli la
isma gaadhine, saw idinkii hanjabaayey. Ma intaas baad ku filaydeen.
" Dul- qaad waa
inta xumaan loo samri karo'e" Bay odhaah hore oo ay xikmadi ku duugan
tahay ahayde, ee wuu soo gabaga-boobay dul qaadkii, rajaddii la naawelaayey iyo
samirkii-ba,oo hadeer wakhti-giisii wuu iska dhamaaday, imika buu Ina cabdi
dameer, ka daba-raq-raq leh ee Geenyo-Shaaximan" Iyo kooxdda ay ku
adeeg-taan,ee ka daba sacabisaa, warankii ay ridayeena gonda-hoodda fadhiistay,
sababta oo ah "Doqonta ilaa indhaha lagu dhufto wax ma garato'e" Hadda bay dani u run sheegtay, oo waa kaas
Dhulbahante siddii " Nibiri" Xabad kaluuna helay afka u dhigtay, leh
waan idinka soo baxayaa ee yaan la i weerarin, waayo wuxu sas ka sii qaaday
" Garxajis oo debed u baxay" Durba wuxu bilaabay, in uu ergo u diro
kala jebisa, oo iyaka ka soo jeedda, waa kuwii " Xaar cuneenka
ahaaye" Ee uu qanjidhka u tuuro, sidda neefka Ina Tiir, nacaska Ina
murjin-madoobe, bakhti dhego-weyne, laguma dhaamee dhaqaaq ( Waa duurka'e) kaas
oo af-tahan is mooday, oo xil ha laguu dhiibo u googo'ay iyo qaar kaloo badan.
Waxan ku soo xidhay, waa arag-teen oo Harti way tegeen, Garxajis dagaal meel uu
joogo-ba waa u diyaar dagaal, kana soo noqon maayo oo "Dagaal waa ina
daan-weyne, jabahadda imika buurta gashay maaha tii hore, ee waxad hayso soo daa, waa tii laguugu
taag waayey qun yar soco'e.
*N.B Kabash-Kabashta Iyo Ergo Diristu Waa Maxay,
Yaa Weli Is Gaadhay?
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!